“GANACSI WAYN BAA YEMEN KA FURMAY, SHIDAAL XUUTIYIINTA LOO GEEYO OO FOOSTADII LAGA SIIYO SHAN BOQOL OO DOOLAR AYAA LA DOONAYAA” XILDH. WADKA

0
602

“GANACSI WAYN BAA YEMEN KA FURMAY, SHIDAAL XUUTIYIINTA LOO GEEYO OO FOOSTADII LAGA SIIYO SHAN BOQOL OO DOOLAR AYAA LA DOONAYAA” XILDH. WADKA

Hargeysa, (warsugannews)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah xildhibaanadda golaha wakiiladda ee u coddeeyay qarraarkii golahaasi ku horjoogsaday in haamaha shidaalka lagu wareejiyo ganacsatada, oo shalay la hadlay wargeyska Ogaal ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay ganacstada shidaalku ugu hamuumayaan in lagu wareejiyo haamaha, isla markaana wuxuu xusay in go,aanka goluhu ahaa qarraar ee aanuu ahayn xeer, sidaa darteedna soo celin qarraar ay tahay sharci darro.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa warka uu siiyay Ogaal wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi; “ Waxa jira qaraar ama go,aan uu soo saaray golaha wakiiladdu oo uu ku joojiyay haamaha in lagu wareejiyo ganacsatada. Ganacsataduna way hadlayaan oo waxay leeyihiin, haamihii way xun yihiin, shidaal ma qaadi karaan, sidaa darteed baanu xukuumadda heshiis ugula galay oo aanu ku nidhi, haamaha aanu hagaajino, oo lacag shan milyan doolar ah bixino ee nagu soo wareejiya oo aanu badbaadino.”

Xildhibaanku wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “ Haddaba, waxa iswaydiintu tahay ganacsatadu shidaal intee le,eg bay keenaan oo ku shubaan haamaha?, mugga qaadka haamuhu waa intee?. Ganacsatadu shidaal waxay keenaan bishii marka laysu geeyo waa 10kun ton, haamaha maanta inoo fayoobina waxay qaadaan 25kun oo ton. Tobankaa kun iyadoo badh hadhsan yahay ayaa bishu dhamaataa. Markay sidaa tahay, shan iyo toban kun oo ton mug qaadda ayaa mar walba haamaha ka banaan, markaa maxay tahay maanta baahidda wayn ee lala qaylinayo ee waxaa loo samaynayaa?.

” Xil. Warfaa oo ka jawaabaya isla amuurtaasi wuxuu yidhi; “Waxa inagu faruurmay arrinta Yemen, ganacsi wayn baa yemen ka furmay, shidaal xuutiyiinta loo geeyo oo foostadii laga siiyo shan boqol oo doolar ayaa la doonayaa sida wararka lagu helayo. Loomaba diiddana haday ka macaashayaan shidaalka yemen, laakiin iyadoo mugga haamuhu qaadaan aanay marnaba buuxin ee ay dhiman yihiin, ma inay ku khasbaan dawladda oo ay heshiis la galaan oo ay umadda wareeriyaan, oo ay yidhaahdaan haamaha hanalagu soo wareejiyo, shidaalkii aanu dalka keeni jiray bay qaadi waayeenne, taasi macquul maaha, ee waxay ahayd inay yidhaahdaan waar suuq baanu helaye haamo dheeraad ah aanu samaysano.”

Xil. Warfaa wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “ Midda kale, marka ragga ka ganacsada shidaalka iyo haamaha laysku wareejiyo waa kooto, qayladda maanta ka taagan kawaanka xoolaha lagu qalo ee Hargeysa ee neefkii lacagta layskaga kordhiyay, dawladduna ay ka hadli kari la,dahay illayn way wareejisaye, taasoo kalaa imanaysa. Foostada shidaalka ah ee maanta dunidda ka joogta 40 doolar iyo wax ka yar, ee laynaga siiyo 200 doolar, ninka maanta taa inaga dhimi waayay, ma markuu macaa haamaha la wareego ayuu naf inoo galayaa?, u malayn maayo. Markaa go,aanka goluhu gaadhay waa qaraar, xeer maaha, soo celintiisuna waa sharci darro, waayo madaxweynuhu mooshin sharci oo goluhu soo saaray buu wax ka bedel ku soo samayn karraa wixii aan dastuurka waafaqsanayn, oo uu odhan karaa qodobkaa iyo qodobkaa ka soo bedela, kana waa qarraar ama go,aan gole, qarraarkana madaweynuhu ma soo celin karo. Sidaa darteed waxaan madaxweynaha u soo jeedinayaa inuu qarraarkaa sidiisa u hirgeliyo.”

xigasho:ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here