Garabka Haweenka Togdheer ee WADDANI oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Wefti Reer Mareykankan ah oo Ka Socday Xisbiga WADDANI+SAWIRO

0
355

Garabka Haweenka Togdheer ee WADDANI oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Wefti Reer Mareykankan ah oo Ka Socday Xisbiga WADDANI+SAWIRO

Burco(Warsugannews):-Garabka haweenka xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer, ayaa maanta munaasibad ballaadhan oo qado-sharaf ah ku maamuusay wefti ballaadhan oo ka socday madaxda sare sare ee laanta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku leeyahay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobalka Minisota iyo sida oo kale mas’uuliyiin iyo xildhibbaano ka tirsan xisbigaasi oo muddooyinkii dambe kormeer ay ugu kuur-gelayaan xaaladda dalka ku maraayey guud ahaan goballada Somaliland.

Munaasibaddan oo ka qabsoontay hotel Dal-wanaaje ee magaalada Burco, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibbaan Siciid Warsame Gaane, Xildhibbaan Xuseen Ismaaciil , guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Minisota Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir, Habboon Faarax, xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Hinda Jaamac Gaani, xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda Md.Maxamed Abiib, afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaranka ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme, garabka haweenka gobalka Togdheer ee xisbiga WADDANI, madax-dhaqammeed, ganacsato iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha gobalka Togdheer ee xisbiga WADDANI Md.Xuseen Kaahin Xayd, oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey weftiga xisbiga WADDANI ee hawlaha shaqo ku joogga magaalada Burco, waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in mas’uuliyiinta WADDANI ay soo booqdaan gobalka Togdheer, si ayaa uu yidhi ay xog-oggaal ugu noqdaan guud ahaan xaaladda ka jirta, waxaana uu boggaadiyey qado sharafta ay haween weynaha xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer ku maamuuseen weftiga soo booqday.

Xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa dhankeeda tilmaantay in ay ku faraxsan tahay in haweenka gobalku ay qado sharaf u sameeyaan wefti ka kala socday mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, iyada oo carabka ku dhufatay in kulankan qado sharafta ah ay u jeedadiisu tahay kulan isbarasho oo ay ku ladhan tahay is xog waraysi ku saabsan arrimaha xisbiga iyo sida oo kale xaaladda guud ee dalka.

Salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda gobalka Togdheer oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka markhaati ka cay dedaalka ay haweenka xisbiga WADDANI ee gobalku ay ugu jiraan siddii xisbiga WADDANI uu u hanan lahaa tallada dalka, waxaana ay sida oo kale sheegeen in ay soo dhaweynayaan weftiga heer qaran ee ka socday dalka Mareykanka iyo mas’uuliyiinta xisbiga ee dalka.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Minisota Inj.Cabdiraxmaan Aadan Daahir oo hoggaaminaayey weftiga ka socday dalka Mareykanka ee u kuur-gelaayey xaaladda xisbiga ee goballada iyo guud ahaanba Somaliland, ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka dalka, gaar ahaanna xarunta gobalka Togdheer, waxaana uu si weyn ugu mahad-celiyey haweenka ku maamuusay qado sharafta isaga iyo weftiga uu hoggaaminayeyba.

Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu u mahad-celinaayo haweenka gobalka Togdheer ee xisbiga WADDANI, waxaana uu ku ammaanay sida fiican ee ay u wadaan hawlahooda shaqo, waxaana uu ku dhiiriyey in ay halkaas ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan siddii uu u guulaysan lahaa xisbiga WADDANI.