Gardarada Cali Khaliif iyo Kalsoonida Wasiir Xagla-toosiye: W/Q Mustafe Cabdiraxmaan

0
840

Gardarada Cali Khaliif iyo Kalsoonida Wasiir Xagla-toosiye: W/Q Mustafe Cabdiraxmaan

Cali Khaliif oo ku caan baxay jaah wareerka bulshada iyo qaska umada ayaa iska caabin xoogan iyo cudud aanu filayn kala kulmay wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xagla-toosiye oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaaladda Buuhoodle.

Rabitaanka bulshadda ee ah in magaalada Buuhoodle noqoto mid degan oo jawigeedu la mid yahay kuwa somaliland ee kale ayey aad u soo dhaweeyeen shacabku, halka ay khaati ka istaageen fidno wale Cali Khaliif oo caadaytay burburka dawladaha iyo deganaasho la’aanta shacabka jecel nabada iyo midnimada.

Somaliland guud ahaan marka laga hadlaayo amaanka iyo kala danbaynta buuhoodle waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu nabada iyo xasiloonida jecel, laakiin waxay ka bogsan waayeen waslada xaaraanta ku noqotay ee ay ka nafisi waayeen ee Cali Khaliif.

Wasiirka caafimadka ee Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo kasbaday bulshada reer Buuhdoole, isla markaana madaxweynaha Somaliland kala shaqeeyey sidii Buuhoodle u degi lahayd waxaan ku amaanayaa madaxweynaha iyo wasiirka kaalinta muuqata ee ay rabaan inay ka qaataan kor u qaadka nolosha dadweynaha Buuhoodle.

Bulshada ku dhaqan Buuhoodle aad ayaan uga rajo qabaa inay nabdiyga ku hayaan helitaanka baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada reer Somaliland xaqa u leedahay, waxaan odhan lahaa fadhiga ka kaca oo dadkiina wax la qaybsada, rajo badan ayaan ka qabaa in qaybtiina aad heshaan oo aad la gorgortan-taan.

Ugu danbayntii aad ayaan idiin bogaadinayaa, gaar ahaana odayaasha reer Buuhoodle oo jecel inay nabad iyo deganaansho kula noolaadaan walaalahooga Somaliland.

W/Q: Mustafe Cabdiraxmaan
Cmustafe99@gmail.com