GARNAQSIGA GUDOOMIYE KU XIGEENKA AXMAD MUUMIN SEED IYO GUDOOMIYAHA XISBIGA MUCAARADKA EE XISBIGA WADANI C/RAXMAAN MAXAMAD C/LAAHI CIRRO

0
502

GARNAQSIGA GUDOOMIYE KU XIGEENKA AXMAD MUUMIN SEED IYO GUDOOMIYAHA XISBIGA MUCAARADKA EE XISBIGA WADANI C/RAXMAAN MAXAMAD C/LAAHI CIRRO

Mar labaadna dayrow

Daymadii abwaankiyo

Diiradiisii dheerayd

Daalacan ku soo sheeg

Dakharada syaasigu

Dumadiisa kala galo

Ama doolar kala dhaco

Ama dayn ku kala cuno

Ama daaro loo gado

Ama wacadka daba maro

Baritana hal deeqow

Dafiraadu fududahay

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa la filayaa in uu ka qabsoomo Hetelada Waawayn ee Caasimada Hargaysa 19/10/2016 waxaanay sheegeen Gudida qabashada Araajida Musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in shuruudihii ay buuxiyeen Murashax kaliya oo u tartami doona Kursiga Madxwaynaha oo C/raxmaan Cirro ah iyo Laba Murashax oo u tartami doona Jagada Madaxwayne ku Xigeenka .

Dhacdadan oo ah mid garnaqeeda mudan waxaana iswaydiin mudan Maxaa sobobay in Gudoomiye Cirro aan lagula Tartamin Hankiisii Siyaasadeed ee Murashax Madaxwayne in uu noqdo isla markaana uu kula tartamo Gudoomiye ku Xigeenka Axmad Muumin Seed Nin Qurba Joog ah oo la xaqiijiyay in Gudoomiye C/Raxmaan Cirro uu u arko in Beesha Murashaxa Qurba Jooga ahi ka badan tahay Beesha Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Wadani waxaanu Gudoomiye C/raxmaan Cirro halmaansan yahay Tacab badan oo Dadaal iyo Daacadnimo ahaa uu Xisbiga Wadani galiyay Gudoomiye ku Xigeenka Axmad Muumin Seed .

Gari Laba Nin kama wada qoslisee waxaa halkaa sida Dayaxa Shan iyo Tobnaadka uga muuqata Go”aanada Cadaalada ka fog ee Gudida Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani hor kacayo Maxamad C/laahi Uur cade oo soo saaray Laba Murashax oo Madxwayne ku Xigeen u tartamaya iyadoo Go”aanka Gudida Qabashada Araajidu ay ku kaceen Arin lagu tilmaami karo Maahmaahda odhanaysa ( Rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac ) iyadoo Xisbiga Wadanina ku keeni karto sida Maahmaahdaasi tilmaamayso bal aynu dul joogsano Garnaqsiga Labada Gudoomiye ee wada Aasaastay Xisbiga Mucaaradka ee Wadani .

Garnaqsiga Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro

Xisbiga Wadani aniga ayaa ah Aasaasaha Koowaad waxaanan doonayaa in aan Madxwayne noqdo markaa waxaan u baahanahay Murashax Madaxwayne ku Xigeen oo Beel wayn ka dhashay oo Cod badan ii keena Gudoomiye ku Xigeenkayguna Axmad Muumin Seed waa Masuul ila soo sheqeeyay oo qadarin iyo qiimayn wayn agtayda ku leh waxaan u balan qaadayaa Wasiirka uu Doorto ee Xukuumadayda balse Madaxwayne ku Xigeenka ha is ka daayo .

Garnaqsiga Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Wadani Axmad Muumin Seed

Xisbiga Wadani Gudoomiye ku Xigeen ayaan ka ahay hankayguna waxuu ahaa in aan noqdo Murashaxa Madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga Wadani Tacab badan ayaa iga galay Maalintii Ururka uu ahaa ilaa Maanta uu Xisbiga Wadani yahay Qof iiga Xaq badana Gobolka Awdal iyo S/land ma joogo hadii Gudoomiye C/raxmaan Cirro leeyahay Beesha Axmad Muumin Seed ayaa yar oo aan Tacabkii Xisbiga la soo galiyay la eegayn waa runtii , Gudoomiye C/raxmaan Cirro isaguna Murashax Xirsi Cismaana ha uga Tanaasulu kursiga Aniguna waan uga Tanaasulayaa Murashaxa uu wato ee Maxamad Cali hadii kale ma Hankaygii oo kaliya ayaa lagu tartamayaa isaguna waa kalidii miyay I qabataa .

GUURTI TALO YQAANA IYO GANDO WAAYO ARAGA AYAA GARTAN QAADAY

Guntii iyo gabagabadii waxaa gartaa helay Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Wadani Axmad Muumin Seed balse Gartaa waxaa Ganafka ku dhuftay oo diiday Gogoshiina ka kacay Gudoomiye C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro waxaanse Gartaa ku soo Gunaanadayaa Nin Shir ka kacay Siigo yaraa .

Ugu danbayn waxaan guul u rajaynayaa Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Wadani Axmad Muumin Seed oo Garta helay Tacab badan ,Dadaal iyo Daacadnimo xambaarsanaa soo galiyay Xisbiga Wadani ALLE ha ku guuleeyo hankiisa Siyaasadeed Gudoomiye ku Xigeenka Axmad Muumin Seed Qurba joogana ALLE xagiisii Qurbaha Shaqo wanaagsan ha ku siiyo Aamiin Aamiin Aamiin .

Qalinkii Subeer Daahir Falanqeeye Arimaha Siyaasada

waryaqaan@gmail.com