Geesiyaasha Ururka Haldoor iyo Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta ee Xaafada Maxamed Mooge ee Hargeysa!

0
566

Geesiyaasha Ururka Haldoor iyo Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta ee Xaafada Maxamed Mooge ee Hargeysa!

Hargeysa(Warsugannews) Waxay ii ahayd sharaf aad u weyn inaan nasiib u yeesho ka qaybgalka Dhagax-dhiga Dugsi Farsamo Gacmeed oo Ururka Geesiyaasha ah ee Haldoor ay ka hirgalinayaan Xaafada Maxamed Mooge ee Caasimada Hargeysa, Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sarsare iyo dadweyne aad u tiro badan.

Dhalinyarada Ururka Haldoor ayaa waxay goobta keeneen $120,000 (Boqol iyo Labaatan kun oo Doolar) oo ay ka soo ururiyeen bulshada deegaanka u dhalatay, waxaanay tani tusaale u tahay in cid kasta oo isku tashataa ay wax qabsan karto, hore ayay dhalinyaradan dhiggooda kale ee Gaaroodi oo isla deegaanka ahi ay u hirgaliyeen Dugsiga Bordinka ah ee Sallaxley oo ay ka aflaxeen boqolaal arday, imikana ay wax ka bartaan arday tiro badan oo ka faaiiday dhismaha iskuulkaas.

Waxaan u Mahadnaqayaa Dhalinyarada ururka Haldoor iyo Xukuumada Somaliland oo ay hormuud u tahay Wasaarada Waxbarashada oo ballan qaaday inay gacan xoog leh ka geysan doonaan Dhismaha Iskuulkan iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo tilmaamay inay Xukuumad ahaan iyo Xisbi ahaanba kaalin mug leh ay ka geysan doonaan dhismaha Dugsigan Farsamada Gacanta iyo Shirkada Dhismaha Najax oo lacag $60,000 Lixdan kun oo Dollar ugu deeqday iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa oo dhul balaadhan ugu deeqday iskuulkaas, waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa ururka Zamzam Foundation oo ballan qaaday inay Qalabaynta Iskuulka gacan ka geysan doonaan.
Halkan ka daawo Xaflada Dhagaxdhiga iskuulkaas.

Deputy Minister Kaysar Maxamed