telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Gelbiskii Geeridda Qaybta 3aad Cabdiqaadir Dayib Askar University of York, UK www.abdikadiraskar.com

 walaalkay muddo dheer is-ma aanu arag. Waxa aan kala maqnayn qiyaastii saddex sannadood oo aan badanka ka shaqaynayey Barriga Afrika. Abshir wuxu ahaa wiil aad u maskax badan si gaar ahna u waxbarasho jeclaa. Waxa aan dareemi jiray inuu lahaa hibo balaadhan oo ay u dheerayd maskax furnaan iyo dhiirranaan aad u saraysa. Dhalasho ahaan, laba sanno ayaan ka weynaa.
Waxa aanu ahayn walaalo dhib iyo dheefba soo maray, soonna wadaagay. Tirro waxaanu ahayn afar walaalo ah: aniga, isaga iyo weliba laba hablood. Hooyaday iyo aabbahay waxa ay kala tageen in yar kadib markii aan ka guurnay Mareykanka ee aanu degnaasho rasmi ah ka helnay dawladda Kanada.

Aad ayaanu beriga u yar-yareyn, kala-daadashada wada-noolashihii qoysakayga ma aanu sii odorsi karayn. Anaguna waxa aanu si aayar-aayar ah u noqonay reer ba’ay oo kala irdhoobay.
Xidhiidhka annaga iyo aabahayo marnaba ma wanaagsanayn, duruufihii adka ee qurbaha nagu haleelay ayaa noo saamixi waayey in qoyskaygu sii waaro. Dabadeedna aabahayo muddo markuu Kanada sii joogay, wuxu ku laabtay dalkii oo uu ganacsi ka furtay, reer cusubna ku guursaday magaaladda Boosaaso.
Aabo Shirre, aad buu u jeclaa in uu naga soo war doono bal se waxa caqabad noogu ahayd dareenka hooyaday oo si weyn u dhaawacmay. Taas oo nagu dagaali jirtay in aanu la xidhiidhno ‘aabbe naga dad doorsaday, oo meel kale looga yeedhay!’
La soco

 

176 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins