telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Gelbiskii Geeridda Qaybta 8aad Cabdiqaadir Dayib Askar University of York, UK www.abdikadiraskar.com

G
iiraanta waqtigu way rooraysay. Il-bidhiqsi kasta wuxu ahaa mid xiiso gaar ah huwan oo aan la dhaadayn goorta uu ku dhaafay. Xogaha uu xafiiskaygu isku soo ururiyey waxa ay ahaayeen kuwo amakaag badan. Rumaysigoodu ma uu hawl yarayn waxa ayna u baahnaayeen in laysku xidhiidhiyo si dhacdooyinku u noqdaan kuwo isa-sudhan.
Dib ayaan ugu soo laabtay xafiiskaygii ku dhex yiil Saldhiga Militari ee AFRICOM. Dabadeedna waxa aan furtay kombuytarkayga gacanta oo lagu soo shubay muuqaalo cusub iyo codad kala duwan oo laga soo ururiyey dadkii Abshir isku yaqiineen Mareykanka.
Waa se markale iyo umuuro yaab badan. Waxa aan bilaabay in aan naftayda la shawro aniga oo xogaha aan la kulmayey ka gedisnaayeen male-awaalkayga. Mar baan idhaa, walaalka iyo idinku is maydin aqoon ? May’e, malaha wax ka weyn baa haleelay oo garaadkiisii dhalen-gediyey?
Kor baan u kacay, aniga oo aan qaadi karin labadaydii lugood. Waxa aan u holladay dhankaas iyo madbakha si aan u soo samaysto bun madow, uguna diyaar garoobo baadhitaanka xogaha cusub.
Dareenkaygu wuu taagna, aamusnaan badan baan se isku sasabayey. Weydiimaha kolba maskaxdayda ku soo dhacayeyna waxa ay ahaayeen kuwo culuys maskaxeed igu sii kordhiyey oo ii diiday in aan nasto.
Abshir, noloshiisii Mareykanku waxa ay ahayd mid cidhiidh badan. Wuxu ku sugnaa nolol u dhaxaysa rejo iyo baqdin. Hab-nololeedkiisa waxa si weyn u saameeyey feejignaan uu ka qabay ciidanka sir-doonka oo uu aad uga shaki qabay in ay raacdaynayaan.
Go’aan cusub buu se gaadhay. Wuxu haabka gashaday in uu safro, una haajiro meel uu xasilooni-nafsadeed ku heli karo. Abshir wuxu yaqiinsaday in aanu Mareykanku ahayn meeshii uu ku qalbi-qaboobi lahaa, kunna heli lahaa nolol uu ku badhaadho.
“Waxa aan u baqoolayaa dalkaygii asalka ahaa. Ma hubo mustaqbalku waxa uu ii soo wado. Waxa se aan kugu dardaarayaa in aad haysto xadhiga Alle!” ayuu ku sii sagootiyey saaxiibkiisii Yemeniga ahaa ee Assad.
Koox diineedkii uu ka tirsanaa ee Xisbul- Janna iyo asxaabtiisii Nayjeeriyaaniyiinta ahayd ee uu Internet-ka kala xidhiidhi jirayna si weyn ayay u soo dhaweeyeen safarkiisa. Waxa ay u sheegeen in uu safrayo safar ‘khayr badan’ , unna kacayo dhulkii uduga badna ee Nebi Maxamed (NNKH) ammaanay.
“Guulayso! Waxa aad tahay dirrane Rabbiy’e,” ayey ku dhiirigeliyeen.
Abshir ma odorsi karin sida uu noqon doono sodcaalkiisa Soomaaliya. Bal se sawirka uu maskaxda ku haystay wuxu ahaa mid ku sidkan inta ay soo tebiso warbaahinta caalamiga ah. Taas oo uu isagu u fasiranayey in dhulkiisa hooyo uu ka socdo jihaad lagu xoraynayo dalkiisa oo lagula dirirayo waddamo gaallo ah oo dalkiisa ku soo duulay.
Safar dheer baa u bilaabmay. Diyaaradii siday Abshir waxa ay soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Berbera. Abshir wuxu xidhnaa koodh-dhaxmeed iyo dhar culus. Manna filanayn in cimilada Berbera ay ahayd mid gebi-ahaanba ka duwan tii uu ka yimid ee Mareykanka. Hanfi daran baa leefay, wejigiisana waxa qariyey dhibco dhidid waaweyn ah.
Cimillada uu la kulmay ma ay farax gelin. Waxa ay ku reebtay dihaal kale, degdegna wuxu ugu anbabaxay magaalada Laas-caanood oo uu markii danbe uga sii gudbay dhankaas iyo Boosaaso.
Boosaaso cimiladeedu, waxa ay la saansaan ahayd ta magaallada Berbera. Waxa ay ahayd mid qudheedu kulayl badan oo Abshirna si weyn bay uga naxsatay. Cimilada uu la kulmay waxa kaga weynayd baadi-doonka Aabihiis oo ay ugu war danbaysay muddo toban sanno ah.
Aabo Shirre wejigiisa ilmo ayaa roortay. Wuxu galay jawi bedelan oo dareenkiis ka dhigay mid is diidsan: farxad iyo naxdin. Waayo ma filanayn in wiilkiisu marnaba soo raadsan doon. Farxad baa ka tan badatay isaga oo la dhacsan in uu wiilkiisii weynaaday oo taabbo-gal noqday.”
La soco

286 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins