telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

GIRIIGGA OO CELINAYA SOO GALOOTIGA CUSUB

Giriiga (WARSUGANNEWS.COM)_Giriiggu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay masaafuriyaan dadka soo galootiga ah haddii ay u qalmi waayaan in magangelyo la siiyo, iyadoo kumannaan magangelyo doon iyo qaxooti ah ay tageen caasimadda dalkaas ee Athens, kaddib markii laga soo celiyay xadka dalka Macedonia.

giriiga

Wasiirka Giriigga u qaabilsan socdaalka, Jannis Muzalas, waxaa uu sheegay in dadka cusub ee imanaya ee magangelyada doonaya looga baahan yahay inay muddo 30 cisho ah ku codsadaan haddii kale dib loogu celin doono dalkii ay ka yimaaddeen.

Xarun ciyaaraha Olympic ee magaalada Athens iyo garoonkii hore ee dayuuradaha ayaa xerooyin ku-meel-gaar ah looga sameeyay si loogu qaabilo saddex kun oo qaxooti ah, Macedonia waxaa keliya oo ay aqbalaysaa dadka ka yimaad Syria, Iraq iyo Afghanistan.

Mas’uuliyiinta Giriiggu waxay la tacaalayaan si ay ku heli lahaayeen waxa ay ka yeelayaan qaxootiga ka soo qulqulaya dalalka Pakistan, Somalia, Morocco, Algeria iyo Bangladesh.

501 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins