GO’AANKA MAXKAMADA SARE WAA GUUL USOO HOYATAY DALKEENA

0
475

GO’AANKA MAXKAMADA SARE WAA GUUL USOO HOYATAY DALKEENA.

Qaranku waxuu heegan u yahay ilaalinta dastuurka iyo nidaamka dawladnimo ,waxaana heegan loo yahay hadh iyo habeen in la dhawro oo la koolkooliyo

Kadib muran dheer oo hadheeyay nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland ayaa kusoo dhamaaday wanaag iyo sharci la isla gartay oo mudo la sugaayay waxaa akhirkii soo gunaanaday Maxkamada sare ee Qaranka markii Madaxweynuhu u gudbiyay inay fasiraad kasoo bixiyaan mudoda la qaban doono Doorashada Madaxtinimo , aad baan u hambalyaynayaa MAXKAMADA maadaama ay keeneen talo soona afjareen marmasiiyahii Mucaaridku ku doonayeen inay dalka wax yeelo u gaystaan oo ay danahooda qardajeexa ah ku meel marsadaan inay si aan sharci ahayn oo beelnimo iyo kooxaysi kusoo huluushaan Hogaanka dalka.

Qaranku waxuu heegan u yahay ilaalinta dastuurka iyo nidaamka dawladnimo ,waxaana heegan loo yahay hadh iyo habeen in la dhawro oo la koolkooliyo habdhaqanka siyaasadeed ee dalka lana dhawr qawaaniinta dalka u taal.Arintan Maxkadamu go’aamisay ayaa ka farxisay dhamaan muwaadinka Somalilanderka waxaana ka naxay dad iska dhiga muwaadin oo usoo shaqo tagay dalka oo aan naf u haynin waxii dhimanaya iyo waxii ba’aya lkn ayaga waxaa u cad inay isla helaan kaliya Afka iyo gacanta waana dadka badanaa a hadla dalqada oo aan lahayn mab’da dadlnimo iyo dadnimo toona malaha.Go’aankani waxaa soo dhaweeyay dhamaan dadka dadlkan ka qaba lexejeclo waxaana diidan oo ka naxay dadka aan isla garanayo ee badanaa ka cabaada warbaahinta ee hadh iyo habeen isku dhiga Isha Kamaradaha si loo arko mid midka uu ka akhlaaq xunyahay ,ka hunguri xunyahay ka fulaysanyahay oo ka xayraansanyahay ayaa markasta aad arkaysaa ayagoo ka barooanaya Warbaahinta oo ku leh kanaa sidan ah iyo keer baa wax cunay.

Kuwa sidaa aad arkaysaan Wadankooda u bahdilaaya ee leh Muqdishaa ka fiican Somaliland hadii maanta ayaga loo dhiibo waxay samayn lahaayeen way iska cadahaya oo waan garanaynaa hadii maanta hogaanka Dalka loo dhiibo waxay ka tuuri lahaayeen jar dheer iyo Alambaqa , waxaa la arki ayadoo la kala yaacaayo oo aan dab lakala qaadanaynin lkn la siin maayo jaaniskaasi oo Wadanka Khubaro ayaa hadh iyo habeen u taagan mana hawaysan doonaan in Lax kastaaba ku fadhiisato Kuraasta muhiimka ah ee lagu aamini karo dad u qalma iyo masuuliin dalka ku hogaamiya daacadnimo ayaa jooga oo isku badali doona si nabdoon ee ha ogaadeen kuwaasi aan sheegay.

Mar kale Hambalyo ayaan leehay Madaxweynaha Somaliland iyo siduu ka yeelay Qaranka waanan ku bogaadinayaa siduu dalka u maamulaayo ee xilkasnimada leh.

MO.Sharif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here