“Go’ankii Golaha Guurtiddu Waxa u ka Dhignaa ‘God libaax lafo lagama Waayo”

0
335

“Go’ankii Golaha Guurtiddu Waxa u ka Dhignaa ‘God libaax lafo lagama Waayo”

“Waa Nusqaan Dadka Siyaasadda ka Daya wax ka Sheega Caafimaadka Madaxweynaha”
Hargeysa(WSN)-Aqoonyahan Cali Xasan Cawaalle, ayaa si weyn u esoo dhaweeyay go’aankii Golaha Guurtidda Somaliland ee muddo kordhinta xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee qaranka.
Cali Xasan, waxa kaloo uu haaraamay dad uu ku tilmaamay inay siyaasad ka dhigteen caafimaadka madaxweyaha Somaliland.

“Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xubnaha Golaha Guurtida Somaliland, go’aanka fiican ee lagu wada qancay ee ay ka soo saareen arrintii muddo-kordhinta xukuumadda, Goleyaasha Wakiillada, Guurtida iyo Goleyaasha deegaanka. taasi oo ay si xilkasnimo leh, oo raali lagu wada yahay uga go’aan qaateen. Illaahay ayaa mahad leh, marka xigtana shacabka Somaliland way idin ka mahadnaqayaan go’aankan iyo sida aad uga soo baxdeen xilkan, waxaad tihiin gole guurti, oo bilow u ahaa asaaskii iyo dhismihii qarankan, wallow dad badani Golaha Guurtida wax ka sheegaan, sababo xaga wakhtiga dheer ee xilka aad hayseen la xidhiidha,”ayuu yidhi Cali Xasan Cawaalle.

Cali Xasan waxa uu xusay in muddada dheer ee Guurtidu jirtay ay qaateen go’aamo badan oo uu ku dooday in lagu badbaaday, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan qabaa fikrad ka soo horjeeda dadka dhaliila Golihiina.d Golaha Guurtidu haddii muddo dheer uu fadhiyey iyo haddii kalaba uu yahay udub dhexaad, ama mid ka mid ah halbawlayaasha qarankan ku taagan yahay, isla markaana jiritaankiina iyo joogitaankiinaba hadduu dheer yahay uu marwalba qarankan faa’iido u ahaa, balse ayna jirin wax khasaare ah ama dhib ah oo qarankan intii aad joogteen u soo hoyseen. Isla marka mudan in lagu hambalyeeyo laguna saacido. Waxaan rumaysanahay in maanta aad haysaan shaqadii Golaha kale ee Barlaamanka, waxaan la mooganayn, muddadii Golahani jiray iyo ilaa maanta in marwalba go’aamadiinna iyo taladiinnu ahayd mid qaranka u hiliisa, isla markaana dawaysa khilaafyada kala gedisan ee siyaasadeed dalka soo wajaha.Waxa kale oo isna hambalyo iyo amaanba u diraya guddomiyaha golaha guurtida md. Saleban Nuur, kaasi oo go,an gesinimo leh qaatay, si wanagsan u maamulay mawduucan, ka dib markii uu xubno guddi ah oo soo naaqisha arrinkan Golaha uga dhex saaray, taasi oo ah tan go’ankani ka yimid.
Sidoo kale Guddomiye Saleebaan waxa uu meesha ka saaray xantii suuqa ee lagu xoqayey, taas oo ahayd, in madama ay madaxweynaha jsl beel ka soo wada jeedaan u guddoomiyuhu qaadan doono go’aan aan raali-galin xisbiyada siyaasadda iyo bulshadaba.”

Cali Xasan Cawaalle waxa uu si adag u cambaareeyay dad siyaasad ka daya inay wax ka sheegaan caafimaadka Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Waxa kale oo aan halkan iyagana ku cambaaraynayaa Ragga ama dadka mawduuc siyaasadeed inta badan ka dhigta xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Somaliland iyo ta qoyskiisaba. waxaan leeyahay dadkaas, waxaynu nahay dad islaam ah oo basher ah, shakhsi kastana ama madaxweyno ha ahaado ama idinkaba ha ahaadee waa daruuri in u xanuunsado, caafimaad qabo, geeriyoodo, Intubana xaga Illaahay ayay ka timaadaa, marka waa arrin diiniyan fool xun dhaqanka suubanna khilaafsan oo caqli darro ah in Ragga qaarkii saxaafadda la soo istaagan ama kaga hadlaan, xaalada caafimaad ee madaxweynaha iyagoo siyaasad ka dayaya, balse aan garanayn in ay tahay mid dadnimada iyo diintaba ay ku xun in qof islaam ah aad la jeclaato xannuun, ama geeri.

Sidoo kale waxaan leeyahay dadka nocaas ah, (Allah ka baqda waxaasina maaha wax laga dhigto siyaasad wana nusqaan idinku taala idinka, waxaanad ogaataan, in ayna ceeb iyo xumaan iyo wax la wadwado oo siyaasad laga dhigto midna aanay ahayn in bashar ahaan Aadamuhu xannuunsan karo hadday idinka tahay iyo hadday madaxweynaha tahayba, sidaa awgeed waxa wax lala yaabo ah in qaarkiin ay mawduuc siyaasiya ka dhigteen.”

Cali waxa uu tilmaamay in aanay habboonayn in la aflagaadeeyo qoyska madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aan ka xumahay isla markaana cambaareynayaa in wax laga sheego qoyska madaxweynaha oo iyana ah lafjab iyo wax ka baxsan milgaha iyo dhaqankaba.waxa xusid mudan in Madaxweynaha jsl Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu dalka wax badan ka qabtay muddadii u xilka hayey sidoo kalana wax badan oo qabyo ahi jirto, taasina ay tahay daruuri in xukuumad kasta waxna qabato waxna seegto, laakiin waxa hubaal ah in Madaxweyne Siilaanyo iyo rag kale oo farabadan mid nool iyo mid dhintayba ay taariikhda iyo magaca dalkan iyo dadkan kaga suntan yihiin baal dahab ah bulshaduna abaal badan u hayso. Waana in lagu xurmeeyo halgankii dheeraa ee nafhurka ahaa ee isaga iyo in badan oo kaleba dalkan u soo galeen.”