Gobalka California Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Uu Kaga Goosanayo Dalka Maraykanka

0
281

Masuuliyiinta gobalka Califronia ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay fasaxeen ol’ole lagu dalbanayo in gobalkani uu ka goosto dalka Maraykaka intiisa kale. Waxa aanu ku bilaabanayaa in
la ururiyo saxeex muwaadiniinta gobalkaas ee doonaya in ay dawlad madax bannaan noqdaaan, kaas oo marka uu gaadho tiro sharcigu xaddidayo loo gudbin masuuliyiinta gobalka oo iyaguna markaas ku qasbanaan doona in ay gobalka ka qabtaan Afti dadka lagu weydiinayo in ay Maraykanka ka sii mid ahaadaan iyo in ay ka goostaan.

Xoghayaha guud ee gobalka California Alex Padilla ayaa jimcihii ina dhaafay ee 27kaJeenaweri waxa uu caddeeyey in uu rukhsad siiyey ol’ole lagu magacaabay, Kalifoorniya oo dal gaara ah, (California a Separate Country), kaas oo caan ku ah hal-ku-dhegga (Calexit) oo looga jeedo “Bixitaanka Kalifoorniya” ay ka baxayso dalka Maraykanka lagana soo dheegtay ereygii ‘Brexit’ ee loo isticmaalay bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub.
Xoghayaha guud waxa uu sheegay in dadkan looga baahan yahay in ay soo ururiyaan saxeexa in ka badan 585 kun oo qof, si sharcigu qasab uga dhigo in xilliga lagu gudo jiro doorashooyinka gobalka ee sannadka 2018ka ay qasab noqoto in sidoo kale doorashada lagu daro afti dadka lagu weydiinayo doonistooda gooshasho ama ka sii mid ahaanshaha Maraykanka.
Ol’olahan sida sharcigu dhigayo waxaa laga rabaa in inta aan la gaadhin bisha Toddobaad ee sannadkan ay dadka wadaa soo ururiyaan 585 Kun iyo 407 cod, tiradaas oo looga jeedo boqolkiiba 8 tirada dadka codbixiyeyaasha ah ee ka diiwaangashan gobalkan.
Gobalkan oo ah gobal aad u ballaadhan, hodanna ah oo ku yaalla galbeedka dalka Maraykanka waxaa dadkiisa lagu qiyaasaa 40 Milyan oo ruux. Haddii uu dal madaxbannaan noqon lahaana waxa uu noqon lahaa dalka Lixaad ee ugu dhaqaale badan dunida oo dhan.
Gobalka California waa gobal si aad ah looga taageero xisbiga dimuqraaddiga ee dhowaan murashaxiisii Hilary Clinton sifo madow badani ku jiro uu kaga guulaystay madaxweyne Donald Trump.
Sida uu xoghayaha guud ee gobalka Alex Padilla ku sharraxay warmurtiyeed uu arrintan ka soo saaray, haddii dadka gobalkani ay u codeeyaan in ay dawlad madaxbannaan noqdaan, waxaa qasab noqon doonta in la beddelo dastuurka gobalka oo imika dhigaya in California ay tahay gobal ka mid ah dalka Maraykanka, dastuurka Maraykankuna uu yahay qaanuunka ugu sarreeya ee dalka.
In kasta oo marka la eego sida ay hadda xaaladdu u socoto, ay yar tahay rajada laga qabo in gobalka California uu ka go’o dalka Maraykanka intiisa kale, haddana warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP waxaa lagu sheegay in Alex Padilla uu dadka gobalka uga digay in madaxbannaani gobalku qaato ay ka sokeeyaa caqbado badan, iyo sidoo kale in gobalku uu kharash maaliyadeed oo aad u badan ku bixiyo aftida goosashada.