Golaha Wakiiladu Hawo Ayay Ansixiyeen, Xukuumaduna Hawadii Ayay Ku Soo Celisay” Afhayeenka Guurtida

0
482

Golaha Wakiiladu Hawo Ayay Ansixiyeen, Xukuumaduna Hawadii Ayay Ku Soo Celisay” Afhayeenka Guurtida

Hargeysa(Warsugannews) “Golaha Wakiiladu Hawo Ayay Ansixiyeen, Xukuumaduna Hawadii Ayay Ku Soo Celisay” Afhayeenka Guurtida
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, isla markaana ah Afhayeenka Guurtida, ayaa ka hadlay muranka cakiran ee u dhexeeya Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda, ee ku saabsan Haamaha Shidaalka ee Wakiiladu laaleen.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay damaciisa ah inuu isku soo sharaxo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen,

“Heshiis ay Dawladdu gashay oo Golaha Wakiilada loo keenay muu jirin, Golaha Wakiiladu hawo inay ansixiyeen ayaan arkaayey, haddana waxa aan arkaayey Xukuumaddii oo hawada ay ansixiyeen Wakiilada celinaysa, markaas Xukuumadda iyo Wakiiladaba waxa aan u arkaa qolo Hawo ansixisay iyo qolo hawo celisay, sida Dastuurku dhigayana heshiisyada ay Xukuumaddu gasho waa inay Golaha Wakiilada u soo gudbiso,dabadeed Golaha Wakiiladu ka doodaan, dooda dabadeedna ay haa iyo maya miduun yidhaahdaan, waxaan arkaayey Xukuumadda oo leh waxa heshiis ah wali maanu galin, oo ay haddana leedahay hawadii ay ansixyeen Wakiiladu ayaan soo celiyey, wax nidaamkii sharci maray uma arko”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa mar uu ka hadlaayey Musharaxnimadiisa iyo waxa ku kelifay ayaa yidhi

“In aan heerka Madaxweyne ku xigeen hiigsado waxa igu dhaliyey 1-In Deegaanada aanu ka soo jeedna ay kaadhka Diiwaangelinta qaatan 2-In Xuduudaha la soo xidho, 3-Shirkadaha la leeyahay Nugaal ayey doonayaan inay Shidaal ka qodaan oo dhulkaygii ah oo dadka deegaankaasi ay u baahan yihiin in wax loo qabto, 4-Xuquuqdii dadkaasi ay lahaayeen inay qaataan anaguna waanu leenahay, in badan ayaa la lahaa kaadh ma qaataan, iyo inay helaan xuquuqdoodii cod bixineed, marka ay Xuquuqdooda cod bixineed helaan inay madax sare ee dalka wax ka doontaa, hadda waxa aanu doonaynay Madaxweyne ku xigeen, marka ay kaadhka qaataan ee ay helaan cid ay u codeeyaana waxa aan rajaynayaa in ilaa heer Madaxweyne doonano, waxaan ahay reer Somaliland xaq ayaana u leeyahay in aan jago walba ku tartamo, qof walba oo muwaadin ahina waa ila mid, Ninka Warsan-gali iyo Ninka Dhulbahanta iyana waa sidaas oo kale cid Somaliland ka xigtaana ma jirto”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi

“Wax waxa lagu qaybsaday qolo walba wixii ay Ingiriiskii lahayd, cida xuquuqdoodii maqan tahayna waa Sool, Sanaag iyo Salel, oo Doorashadii lagu boobay, Sool iyo Sanaag xuquuqdoodii cod bixineed waxa iyada oo Doorashooyin Degmooyinkoodii gaadhin,ayaa si badheedh ah loo boobay, Maalintii hore Caynaba ayey joogeen, dal dhan oo maqan ayaa la yidhi waa la xanbaarayaa, xanbaarka waxa la yidhaahdana waa xaaran, nin weyn oo la xanbaarana lama arag, Diiwaangelinta ayey ka soo bixi doonaan, xeerka Wakiiladana lama galin oo doodiisi iyo hadalkiisi waxa aan arkaayey in la lahaa ajandihi waa laga saaray, waxa haboon in Gobol walba cida ka codeeysa lagu qaybiyaa dadka is diiwaangeliya”.

Xildhibaan Indho-indho ayaa mar uu ka hadlaayey Sicir bararka waxa uu yidhi “Dadku iyaga ayaa Sicir bararka isku haya, waxaana Ganacstada u soo jeedin lahaa inay dadkooda u naxariistaan, oo dollarka ay ariyanayaan iska dhaafan, oo shilinkooda aaminaan”

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here