Golaha Wakiillada Oo U Ballamay In Go’aan Gole Laga Soo Saaro Wareejinta Kaydka Haamaha Berbera

0
762

Golaha Wakiillada Oo U Ballamay In Go’aan Gole Laga Soo Saaro Wareejinta Kaydka Haamaha Berbera

Hargeysa(Warsugannews)August-29-2015- Gudi hoosadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuq maasuqa ee golaha wakiillada, ayaa Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ka hor akhriyey Warbixin ay ka Diyaariyeen kulamo ay la yeesheen Maamulka Kaydka Haamaha Shiidalka Berbera.

Guddoomiyaha Gudidaasi Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo warbixin dheer ka Akhriyey Golaha hortiisa ayaa sheegay in aan wakhtigan loo baahnayn in la wareejiyo Kaydka Haamaha Shiidaalka oo uu sheegay in 18-kii bilood ee u danbeyey ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Dollar, waxaanu xusay in dhaqaalaha intaasi leeg qaranku ka helo haamaha Shiidalka loona baahnayn in Dad Gaar ah ama Shirkado lagu naasnuujiyo.

Waxa ay guddidu soo jeedisay in golaha wakiilladu go’aan ka soo saaro wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera islamarkaana goluhu laalo qorshaha xukumaddu ku wareejinayso haamaha shidaalka.

Guddoomiyaha guddida ayaa cawaaqibka ka dhalanaya iyo dastuur jabinta wareejinta haamaha u akhriyay golaha waxaanu yidhi “Waxay keenaysaa in la xidho Kooto, oo shirkaddo gaar ah kooto loogu xidho, taasina waxay jabinaysaa dastuurka oo sheegaya suuq xor ah, waxayna noqonaysaa naas nuujin iyo in cid gaar ah loo xidho ganacsiga shidaalka, mar haddaan umadda la soo dhex dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan qandaraas lagu bixin.

Wuxuu keenayaa inaanay shirkaddahani u ogolaan shirkaddo kale oo shidaalka keena, tusaale ahaan shiraddahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba shirkaddo kale ay keenaan markab badrool ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna shirkaddaha lagu wareejiyay ma ogolaanayaan inay badroolka shirkaddo kale oo tartan ka dhexeeyaa shidaal ku kaydsadaan haamaha.

Inaanay Shirkaddahan yaryari samayn Karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto haamaha, sidaas darteed ma jirto sabab shirkaddo yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haamaha inay ku wareejiso shirkad kale oo awooda, tusaale haddii 4 Milyan dollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awooda way ku wareejin kartaa, laakiin in shirkaddahan yaryar ee is urursaday dawladda ka qani san yihiin ma muuqato”

Intaasi markii uu Guddoomiyuhu sheegay ayaa waxa golaha ka dhashay Buuq iyo Sawaxan ka dhashay soo jeedinta Guddoomiyaha Gudidaasi waxaana Xildhibaanada Baddankoodu soo jeediyeen in cod loo qaaddo balse guddoomiyaha ayaa ka codsaday in maalinta barri ah codka loo qaaddi doono, mudaneyaashuna soo akhristaan warbixinta guddidu ka diyaarisay kaydka haamaha shidaalka.

Wasiirka ganacsiga ayaa maalmihii la soo dhaafay guddida u xaqiijiyay inuu socdo qorshe Kaydka Haamaha Shidaalka loogu wareejinayo shirkaddo gaar loo leeyahay, inkasta oo mucaaradku sheegay in saddex ka mid ah 6 shirkadood oo lagu wareejinayo laga leeyahay Madaxtooyada.

Golaha ayaa ku doodaya inaanu soconayn heshiis aan golaha la soo marin oo lagu wareejiyo Kaydka Haamaha Shidaalke ee Berbera.

warsugannewsHargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here