Golaha wasiirada Somaliland oo Ansixiyey Laba Xeer oo muhiim ah maanta

0
526

Kulankii Golaha wasiiradu khamiista ku yeelan jireen qasriga madaxtooyada Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad maanta oo ay taariikhdu tahay 20.07.2017 oo uu shir gudoominayey madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah
1. Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.
2. Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.
Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.