Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay in xidhiidhka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan

0
271

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay in xidhiidhka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan

Muqdisho, January 7, 2016(Warsugannews)Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo kala duwan kuwaasoo ay ka mid aheyd Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka, waxaana diirada lagu saaray dhaq dhaqaaqyo ka dhan xiriirka Diplomaasiyadeed oo ay waday sanadihii la soo dhaafay Safaaradda Iiraan ay ku leedahay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana warbixintan lagu xusay eedeymo kala duwan oo saameynaya Amniga Qaranka, Khataro Dhaqaale, mid Bulsho iyo mid Diineedba leh.

“Mas’uuliyiinta Safaaradda Iiraan iyo hay’adda Al Khudmeyni waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyaga oo ogeysiinin Wasaaraddaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq” ayaa lagu xusay warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay ka aqrisay shirka Golaha Wasiirada.
Eedaha loo jeediyay Dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii foosha xumaa ee loo geysatay Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee magaalada Dehran.

Gabagabadii, Golaha Wasiirada ayaa waxay go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliyeed ay xiriirka Diplomaasiyadeed u jarto Dowladda Iiraan, maadaama ay ku xadgudbeen Xeerka caalamiga ahaa ee Vienna (Vienna Convention).

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka