Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii maanta uga kaga hadlay qodobo kala duwan

0
392

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii maanta uga kaga hadlay qodobo kala duwan

Muqdisho(Warsugannews)Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo uu maanta shir gudoominayey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte waxaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xaaladda amniga dalka.
Waxaa warbixinta amniga laga dhagaystay wasiirka amniga qaranka wuxuuna ka warbixiyey xaaladda amniga dalka iyo iska hor imaad dhuleedka ka dhacay magaalada gaalkacyo.

Warbixintaas kadib goluhu wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyada isku hortaagan inay muujiyaan walaaltinimo, ayna ku xalistaan wixii khilaafaad ah miis wadahadalka ama geed hoostiis sidii dhaqankeenuba ahaa.

Dhanka kale waxaa warbixinta fatahaadaha Elnino laga dhagaystay wasiirka caafimaadka Marwo Xaawa Xasan Maxamed, iyada oo sheegtay inay nasiib wanaag tahay in roobabkii laga cabsi qabay aysan di’in laakiin loo baahan yahay in laga feejignaado maadaama roobab badan lagu odorasayo inay ka da’aan buuraleyda Ethiopia taasoo keeni karta fatahaado badan oo hor leh. Xukuumadduna si gaar ah ayay uga warqabtaa uguna heellan tahay sidii loo badbaadin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee degan deegaanadaas.

Ugu dambeyntii, golaha wasiirada ayaa shirkooda tacsi ugu diray Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo taariikhdu markay aheyd 2-da bishan geeriyooday, waxayna tacsi u direen qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Marxuum Cabdullaahi oo ahaa ruug cadaa Diplomaasiyadeed.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka