Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey

0
309

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey
Muqdisho,(Warsugannews)Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cumar Carte, iyada oo goluhu isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee bishii Luuliyo 2014 Golahihii Wasiiradii ee Xukuumadii hore isku raaceen in la xiro.

Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixino looga dhageystay Guddigii loo diray inay soo kormeeraan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo warar soo baxayay ay sheegayeen in isbedel lagu sameeyey Xadka u dhaxeeya labada dal.
IMG_0331
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini oo horkacayay wafdigii dowladdu u dirtay inay soo kormeeraan Xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ayaa u sheegay in Golaha in aysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya amaba tilmaamaya in isbadel lagu sameeyey xuduudda dalkeenu la wadaago Kenya, marka laga reebo god laga qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen dhacdadii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen dadka shacabka ah, waxayna cambaareeyeen falkaas, iyaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday eheladoodda halkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer kadib isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey , iyadoo Goluhu sheegay in safaaradaha xiran baahi weyn ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee dalalkaasi dagan.
IMG_0314

“Goluhu wuxuu ka noqday go’aankii ay gaartay Xukuumaddu 26kii bishii Luuliyo 2014 oo dhigayay in la dhimo safaaradaha dalkeenu ku leeyahay Caalamka. Hadaba, markii aan aragnay baahi badan oo dadkeenu u qabaan xirnaanshaha safaaradda waxaan isla garanay in sharcigaas dib u eegis lagu sameeyo isla markaana la furo safaaradihii xirnaa” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Mudane Maxmaed Cumar Carte.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ugu danbeyn waxaa warbixinno looga dhegeystay Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaggaa oo kormeer shaqo ku tagey Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa laga dhegeystay xaaladaha la xiriira fataahadda wabiga iyo roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanada qaar kuwaas oo dhibaatooyin geystay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka