Goormu Turkigu Noqday Beel Ka Mid Ah Beelaha Somaliland.

0
314

Goormu Turkigu Noqday Beel Ka Mid Ah Beelaha Somaliland.

Waxa baryahanba warbahinta ku jitay in dawlada Turkigu majara habaabinayso wadahaladii u socday Somaliya iyo Somaliland oo ay qorshaaysay in ay u badasho wadahadalo dhexmara hogaamiye dhaqameedka labada dhinac. Warkaasi manta ma aha mid la isla dhexmarayo oo aan sal lahayn, ee waa mid xqiiqa ah.

Waxana taa cadeynaya sawirada laga soo qaaday madax dhaqameedka Somaliland qaar ka mid ah oo la sawiran madaxda qonsuliyada Turkiga. Hadaba waxa isweydiinta lihi waxay tahay dawlada Turkigu goormay noqotay maamulikii Somaliland ka talinayey ee isagu magacaabayey cida wadahadalada la yeelaneysa Somalia.

Maxa talaaba ah ee ay xukuumada Somaliland ka qaaday faraglintaa fooshaxun ee uu Turkigu kula kacay qarannimadii Iyo distoorkii Somaliland.

Hadaba talaabadii xukumadu ma waxay ku soo ururtay hanjabaad iyo aflagaado uu Cali Warancade ka sheego TViika qaranka, mise talaabo ku haboon ayey dawladu ku tala jirtaa in ay ka qaado arintaa iyada ah.

Maxayse tahay talaabada ay dawladu ka qaadaysaa nimankaa madax dhaqameedka ah ee ka horyimid distoorrkii dalka u yiil, ee iyagu goostay in ay masiirkii ummadda maroorsadaan, muujiyayna in ay daalka iyagu ka masuul yihiin ee aanay daawladu ka masuul ahayn.

Waa Qalinkii: Cali Axmed sh Muuse.

Email: golwaraabe@gmail.com