Gorfeyn: Buugga Cad ee Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI Q.2aad. W/G. Khadar Gureyte‏

0
380

Gorfeyn: Buugga Cad ee Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI Q.2aad. W/G. Khadar Gureyte‏

Gorfeyn: Buugga Cad ee Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI Q.2aad. W/G. Khadar Gureyte
Intiinii la socotay qormaddii hore ee taxanaha gorfeynta buugga cad ee barmaanij siyaasaddeedka WADDANI, waxa aynu ku soo qaadanay Tiirka koowaad ee barnaamijkaas, gaar ahaan qodabkiisa ugu horreeya oo ka hadlaayey sida ay siyaasadda WADDANI u qorsheysay in ay u wajahdo Ictiraafka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, maantana qormadan kooban, waxa aynu ku falanqeyn doonnaa sida xisbiga WADDANI uu ugu tallo galay in uu u wajaho Difaaca Qaranka iyo Ciidamada oo ah qodobka labaad ee Tiirka koowaad.

Qodobkani, waa mid sal ballaadhan muhiimad badanna u leh guud ahaan qaranka Somaliland, waxa uu qodobkani xusayaa qaabka ugu habboon ee loo maarayn karo siddii loo heli lahaa ciidan xoog leh oo mar walba u diyaarsan difaacidda iyo sida oo kale suggidda nabad-gelyada guud ahaaneed ee Somaliland. Waxa kale oo qodobkani uu tilmaamayaa siyaabaha loo marayo xalinta xiisadaha ka aloosma deegaanada Miyiga oo iyada lafteedu saamayn xooggan ku leh amaanka qaranka. Qodobkan xaggiisa ugu dambeysana, waxaa la innoogu xusayaa sida xisbiga WADDANI uu diyaarka ugu yahay ka shaqeynta midnimadda dadka iyo dhulka jamhuuriyadda Somaliland oo muddooyinkii dambe cabashooyin badan ka taagnaayeen deegaanada bariga iyo galbeedka Somaliland.

Waa qodobbo aad muhiim ugu ah suggidda ammaankeena, difaaca qarankeena, tayada ciidamadeena, is-dhex-galka bulshaddeena iyo weliba wada-noolaashiyaha bulshadeena.

Buugga siyaasiga ah ee WADDANI, waxa la innoogu sheegay in dawladda WADDANI ay dhisi doonto awoodda buuxda ee ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan in la helo ciidan ka diyaarsan dhinacya saanadda, tababarka iyo daryeelba. Xubintani waxa ay innoo tilmaamaysaa in la heli karo ciidan tayo leh, dibna ay u soo noqoto sharaftii iyo haybaddii ay lahaan jireen ciidamadu, waxa ay innoo tibaaxaysaa in la heli karo ciidan mug iyo miisaanleh oo si dhabba u siggi kara ammaanka iyo sida oo kale difaacidda qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Xagga ciidamada siyaasadda dawladda WADDANI, haddii ay hirgaliso waxyaabaha ay ku ammaanaan doonto waxa kale oo ka mid ah sida ku xusan buuggeeda in daryeel buuxa loo fidinaayo qoysaska danyarta ah ee ciidamada aaggaga hore joogga iyo weliba in ay taageerto kuwa ku agoomooba hawl-gallada ciidamada iyo difaacidda qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waa qodob mudnaan gaara yeelan kara, waa qodob innoo muujinaaya sida hagar la’aanta ah ee xukuumadda WADDANI ay u doorbisayso in ay wax-tarto, mar walbana ka fekerto duruufaha gaarka ah ee ku gedaaman ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Buuggan kaliya laguma xusin oo qudha ciidamada ka hawl-galla berriga e’ sida oo kalena, waxa la innoogu soo daray siyaasadda dawladda WADDANI ay ku wejahi doonto ciidanka xeebaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaana la innoo sheegay in dawladda WADDANI ay korin doonto tayadda iyo tamarta ciidanka xeebaha jamhuuriyadda Somaliland. Waa qodob muhiim ah, waxaana suurgo gal noqon karta in la helo ciidan dhisan oo sugga nabadda iyo badbaadinta khayraadka badaha iyo weliba xudduuda baddeena(Exclusive Economic Zone). Waxa kale oo ciidanka tayeysan ee Xeebahu ay baddaheena ka illaalin karaan suntan lagu daadsho, biliiliqadda, xaalufinta kalluunkeenna iyo guud ahaan in xuduudka baddeena ay kala dagaalamaan in ay soo gaadhaan ama ka qaadhaabtaan budhcad baddeedu.
Dawladda WADDANI waxa kale oo ay buuggeeda ku sheegaysaa kor-u-qaadidda aqoonta, xirfadda, qalabka iyo miisaaniyadda ciidamada Asluubta oo hoy u noqon karta in daryeel fiican loo fidin karo Maxaabiista la soo xukumo iyo kuwa aan weli xukun ku dhicin-ba.

Waxyaabaha kale ee aan aadka ugu faraxsannahay in aan buuggan ku arko, ayaa waxa kow ka ah in dib-u-qiimeyn lagu samayn doonno xeerka Sirdoonka Qaranka Somaliland ee Xeer Lr 59/2012 kaas oo ah xeer fasaxaaya in qofka kasta la dhageysan karo talleefankiisa gacanta ee uu sida shakhsiga ah u adeegsado iyo waxyaabo kale oo aan luminaya sida oo kalena wax u dhimaaya xoriyadda qof kasta oo muwaadin ah. Waxa kale oo iyaduna mudnaan leh in dawladda WADDANI ay dhisayso awooda Sirdoonka Qaranka, taas oo innaga saaciddi karta in laga hortago khatarta argagaxisadda, budhcad baddeeda, dembiyadda iskaga tallaaba xuduudaha.

Xisbiga WADDANI haddii uu guulaysto, waxa cad oo muuqata in uu innoo soo bandhigay qaabka ugu mudan ee uguna habboon ee kor looggu qaadi karo sugidda amaanka. Waxaana dawladda WADDANI buuggeedan la innoogu tilmaamay in ay xoojin doonto booliska tiradiisa, tayadiisa, qalabkiisa, miisaaniyaddiisa, hawl-galkiisa iyo tababaro gaar ah oo khuseeya siddii loo sugi lahaa guud ahaan amaanka gudaha.

Waxa mar kale farxad-weyn ii ah in aan arko xisbiga WADDANI oo buuggiisa ku daray in ay joojinayaan in ciidamada boolisku ay shacabkoodka u adeegsadaan rasaas nool oo ah mid caado iyo dhaqan muddooyinkii dambe dalkeenna ka ahayd, si arxan darro ah oo ka baxsan bani-Aadamnimada oo axmaqnimo ahna dadka rayidka ah rasaas loola beegsan jiray. Waa rejo yididiilo oo aad u wacan haddii xisbiga WADDANI uu buuggiisa ku daray in ay joojinayaan, waan ku hambalyeynaynaa, waana aynu ku boggaadinaynaa, se hal fariin ah ayeynu kaga tagaynaa oo ah in aanay been noo sheegin haddii aanu shacabka xorta ah nahay.

La Soco…………………………
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
khadargurayte@gmail.com
Dhaqaaleyahan/Suxufi
Hargeysa,Somaliland