Guddida Arrimaha Bulshadda Ee Guurtida Oo Majeeratay Wasaaradda Warfaafint

0
286

Guddida Arrimaha Bulshadda Ee Guurtida Oo Majeeratay Wasaaradda Warfaafint

Hargeysa (Warsugannews) – Guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee Golaha Guurtidda, ayaa kulan xog-waraysi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacy’galinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka wasaaradaas marwo Shugri Xariir Ismaaciil, maareeyaha Tv-ga qaranka Cabdi Cali Mahdi, iyo Maareeye Ku-xigeenka TV-ga Mustafe Maxamuud Qodax.

Wasiirka Warfaafinta oo guddida u sharaxaya qorsheyaasha wasaaradaas leedahay ee ay ku hawl galaan ayaa waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan waxa noo diyaarsan laba buug oo mid ka hadlayo qorshaha wasaaradda oo shan sanno ah iyo mid kale oo ah qorshihii aanu ku shaqayn lahayn muddo sannad ah. Waxa kale oo aanu haynaa wax-qabadkii wasaaradda oo aanu ka samaynay muqaal ama filimo. Waxa kale oo aanu haynaa waxqabadkii dalka oo dhan, kaas oo ah mid masuuliyadi naga saaran tahay.”

“Waxaanu iyana xil aan toos ahayn ku leenahay saxaafadda madaxa banaan, arrintaana dedaal baanu ugu jirnaa, Golaha Wakiilada waxa yaalla xeerka saxaafadda. Xeerkaa waxa ogolaaday madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Markaa xeerkaasi waa dhaqan gal, balse maxkamadihii iyo baarlamaankii ayaa dib iskula eegay wixii toosin u baahan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

“Markaa marka la doonayo in ummad la toosinyaayo halka wax laga wanaajinayaa waa xagayaga. Markaa haddii aanu nahay wasaaradda warfaafinta bulshada waxaanu u haynaa shaqo aad u muhiim ah, taas oo aan fasax iyo nasasho midna aan lahayn.” Ayuu yidhi wasiirku mar uu ka hadlaayay kaalinta ay wasaaradda warfaafintu ku leedahay horumarka bulshada.

Gudoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Guurtida xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Xasan (Indho-indho) ayaa waxa uu masuuliyiinta wasaaradda ku bogaadiyay hawlaha ay bulshada u hayaan. “Idaacadda quraanka kariimka ahi waa arrin aad u fiican in la helo idaacad uu ka baxayo qur’aankii kariimka ahaa oo habeen iyo maalinba hawada ku jirta. Markaa waanu idiinku bogaadinaynaa hawshaas fiican ee aad qaranka u haysaan,”ayuu ku dooday Xildhibaan Cabdiqaadir Indho,waxaanu intaas ku kabay “Tv-gu wuxuu gudbinayaa siyaasad xukumadeed. Tv-ga qaranku waajibkii dastuuriga ahaa ayuu gudanayaayoo, dal waliba wuu kala saaraa wararka dalka iyo kuwa dibadda. Saxaafaduna waa xoog oo waxa la doonayaa in lagula qabto wixii awoodaada ka baxsan.”

Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495