Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland Oo Beesha Caalamka U Dirtay Farrin Ka Dhana Doorashadda Gacan Ku Dhiiglayaasha Soomaaliya Ee Moorgan Iyo Maslax Siyaad Barre

0
547

Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland Oo Beesha Caalamka U Dirtay Farrin Ka Dhana Doorashadda Gacan Ku Dhiiglayaasha Soomaaliya Ee Moorgan Iyo Maslax Siyaad Barre

“waxa aanu u sheegayna golayaasha qolyaha ka madaxda ah ee samaynaya in aanay ku darin dhiigii hore oo gacanta ugu jira oo farahooda ka qoyan in hadana mar labaad la yidhaahdo madax ayaa laga dhigaya” Guud. Axmed LIke

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha gudiga baadhista xasuuqa Somaliland Khadar Axmed Like ayaa beesha caalamka baaq u diray, isaga oo sida fiinta uga qayliyey madaxtinmada Moorgan iyo Maslax Siyaad Barre ee koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiye Khadar Axmed Like oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka hadlay damiirka Somaliland ee la xidhiidha dadkii xasuuqa cadaymaha loo hayo ka gaystay waxaanu yidhi “Waxa aan jeclaan lahaa inaan wax idiinka sheego waxyaabaha adduun weynuhuba ogaaday ee ay leeyihiin golayaashan reer Xamarku samaysanayaan yaan lagu darin gacan ku dhiiglayaashi iyo dagaal oogayaashi, sidaas daraadeed waxa aanu anagu door weyn ka hayna inuu gacan ku dhiigle dagaal ooge ahaa mid imika shaarubo waaweyn samaystay oo la odhan jiray Moorgan oo ummadan waqooyiga joogtay xasuuq ba’an u gaystay kaas ayaa imikana la leeyahay baarlamaanada ay samaysanayaan reer xamarku halagu soo daro; dadka farha cadcadi ka yaalaan ee dambiga ah ee qoran ee la ogyahay ee loo hayo markhaatiyaal fara badan oo kaga furi kara maxkamad adduun ayuu ka mid yahay ninkaa odayga ah ee la yidhaahdo Moorgan”
Gudoomiye Axmed Like oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxaa ka mid ah Maslax Siyaad Barre oo dadkaas oo miidhani doonayaan inay galaan Baarlamaanada Xamar si marlabaad xasuuqii hore ee ay gaysteen mid labaad ay ugu daraan, waxa aanu adduun weynaha u sheegayna, waxa aanu u sheegayna golayaasha qolyaha ka madaxda ah ee samaynaya in aanay ku darin dhiigii hore oo gacanta ugu jira oo farahooda ka qoyan in hadana mar labaad la yidhaahdo madax ayaa laga dhigaya oo ay is leeyihiin kaga baxsada maxkamad ama tii oo kale ay gaysan doonaan waayo tii hore ayaanay waxba ka gaadhin”

Ugu dambayntii gudoomiyaha ayaa farriin u diray bulshada beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka siinaysa Soomaaliya samaynta maamul goboleedyo ama baarlamaano u gaara degaanada koonfurta, waxaanu yidhi “Waxa aan kula talin lahayn dawladaa Xamar samaysanayso adduun weynahana aanu u sheegi lahayn haddii ay suurto gal tahay in naloo-soo qabto isaga iyo wixii la hal maala ee liiska dheer ee aanu hayno ee dambiilayaasha ah ee doonaya hadana mar labaad inay ku fadhiistaan kursi ummad laga xukumo oo ay dambigii oo kale gaysteen”

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office