Guddida Heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha oo maanta Dugsiga Noradiin Qaadhaan ururin u tagay

0
435

Saaka abaaro 7-dii subaxnimo ayey ahayd kadib markii tiro kamida guddida heer qaran ee Qaadhaan ururinta Abaaruhu kulan la yeesheen ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Noradiin gaar ahaan qaybtiisa hablaha

Martiqaadkan ay ku tageen guddidu dugsiga ayey ka heleen maamulaha dugsiyada Noradin Mahad Maxamed Ibraahim oo xusay in ay ka Noradin ahaan qaadhaan ka gaysanayaan abaaraha dalka ku habsaday

Hadaba, booqashada guddidan oo uu hogaaminayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ay kamid ahayeen Imaamka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan iyo Xoghayaha Golaha Wasiirada JSL Sharmaake Axmed Muxumed ayaa qayb ka ahaa dedaalada joogtada ah ee ay guddidu ugu jiraan in ay dhaqaale iyo kaalmo ka ururiyaan dadka samo-falayaasha ah si ay u gaadhsiiyaan dadyowga iyaga abaartu naafaysay isla markaana ay xaaladu xoolo tirtay.

Wasiirka , Maamulka dugsiga, iyo guud ahaanba guddida oo goobta ka hadlay ayaa xusay qiimaha sadaqadu leedahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in qofka masulinka ah walaalkiisa kale u damqado marka xaalado adag lasoo darsaan.

Guddida ayaa sidoo kale xusay in casharada dugsiga lagu barto ay kamid tahay in ardayga lasii baro kaalinta uu bulshadiisa ku leeyahay iyo in uu qayb ka yahay dadkiisa oo la rabo in uu la dareen iyo damqasho noqdo ummadiisa

Ugu dambayntii maamulka dugsiga ayaa balan-qaaday in ay mudo 2 cisho oo keli ah kaga soo jawaab celin doonaan baaqa abaaraha isla markaana ay kaalin muuqata ka gali doonaan dedaalka loogu jiro gargaarka dadka garabka inooga baahan ee abaaraha la taagta iyo tamarta daran.

Maamulka dugsiga ayaa sidoo kale isla maanta guddida ku wareejiyey lacag dhan “Laba iyo Toban Milyan, Saggaal boqol iyo todoba iyo soddon kun” oo shilinka Somliland ah waxaanay xuseen in ay lacagtaasi horumarin uun tahay maadama dhicisku inta birta loo soo sito kasii bakhtiyo balse ay kaalin mug le ka gaysan doonaan taakulaynta abaaraha.

Gabogabadii, Guddida ayaa duco iyo dardaaran badan u jeediyey ardayda dugsiga Noradin iyagoo xusay in ay noqdeen muftaax u bilaabay ardayda dhigooda ah khayrka

1

2

3

4

5

5_1

6

12499000_1011006935646820_938863692_n (1)

12884577_1011006922313488_524954698_n - Copy

Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Taakulaynta Abaaraha