Guddiga Miisaaniyadda Qaranku Ha Ugu Daraan Ciidammada Dirays Sannadle Ah

0
352

Guddiga Miisaaniyadda Qaranku Ha Ugu Daraan Ciidammada Dirays Sannadle Ah

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Wasiirrada ah ee u xil-saaran jaangoynta Miisaaniyadda Qaranka ee 2016, waxaan u soo jeedinayaa in Qorshaha Miisaaniyadda 2016 ay Xukuumaddu ugu darto Daryeelka Dirayska ee guud ahaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland.

Waxaan leeyahay Guddigaas Miisaaniyadda Qaranka waa waajib in Ciidammadeenna sannad kasta loo qorsheeyo laba Dirays. Sidaas awgeed, waxaan leeyahay ma jiro Mashruuc horumarineed oo ka qiimo weyn in sannad kasta helo daryeel Dirays iyo Kabo.

Waxaan si gaar ah u leeyahay Wasiir Samsam iyo Wasiirrada Guddiga Miisaaniyadda Xubnaha ka ah waxaa idiin sharaf ah idinka iyo Qaranka-ba in aad Qorshaha Miisaaniyadda 2016-ka, ugu dartaan Dirays ay helaan guud ahaan Ciidammada dalkeennnu oo sannadle noqda.

Haddaba, qodobkan oo Xukuumadda iyo Madaxweynaha Qaranka iyo guud ahaan Shacabka Somaliland u ah horumar, sidoo kalena ah dhiirrigelinta Ciidammada dalkeenna, waxaan si gaar ah ugu adkayn lahaa Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo ah Wasiir aad iyo aad u firfircoon, isla markaana dareenkeedu cabbiri karo muhiimadda arrintan aan ka hadlayaa dalka, dawladda iyo Ciidammada-ba u leedahay, in ay wax-qabadkeeda Wasaaradeed ee sannadka 2016 koow ka dhigto guud ahaan Ciidammadeennu inay helaan Dirays iyo Kabo sannadle ah.

Waxaan leeyahay Wasiir Samsam iyo Guddiga Wasiirrada ah ee Miisaaniyadda Qaranka ku hawlan dejinteeda, waa horumar taariikhda geli doona Ciidammada dalka oo hela Dirays iyo Kabo sannadle ah, haddii Illaahay yidhaahdo. Waxaanan intaas raacin lahaa inaydaan dhayalsan ee aad ila wadaagtaan dareenkan waddaninnimo, maaddaama oo ay Ciidammada Qaranka ee kala duwani yihiin mid ka mid ah Muraayadaha dawladnimo ee aynu ku faanno iyo kuwa naftooda u hura difaaca dalkooda iyo dadkooda Somaliland iyo awoodda dawladnimadeenna-ba, mudan yihiinna dhiirrigelin heer kasta leh.
Wabbillaahi Tawfiiq —- Allaah Mahad leh:
Qalinka Mawliid Aadan Cumar
Tel. NO: 0634410898

Warsugannews/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here