Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah oo u Diray Qoyskii iyo Ehaladii uu ka Geeriyooday Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge

0
345

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah oo u Diray Qoyskii iyo Ehaladii uu ka Geeriyooday Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge

Hargeysa(WSN)TACSI: Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Maxamed Faarax Xirsi isaga oo ku hadlaya afka Akaademiga Nabadda iyo Horumarka iyo kan shaqaalaha, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge oo ku geeriyooday dalkana Canada xalay oo taariikhdu tahay 06 March 2017.

Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge oo ka mid ahaa aasaasayaashii Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland, isla markaana ka mid ahaa Raggii doorka weyn ka soo qaatay dib-u-dhiskii geesi-socodkii nabadeyntii Jamhuuriyadda Somalilnad iyo dhulka Soomaalidu degtaba ayaa xalay ku geeriyooday dalka Canada. Geerida Marxuumka waxa uu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Qoyskiisa uu ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.