Guddoomiyaha aqalka sare oo loo doortay xildhibaan Cabdi Xaashi

0
462

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ka dib markii uu helay codad gaaraya 43-cod iyadoo ay codeeyeen 52-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Saree e dalka.

Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo xildhibaan Mustaf Qodax ayaa wuxuu helay 9-cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada.

Waxaa hada la galayaa Doorashada Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.

Halkaan ka Akhriso xubnaha u sharaxan.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Xasan Faarax Xujaale.
Axmed Xaashi Maxamuud
Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
Abshir Maxamed Maxamuud.
Cabdi Axmed Dhuxulow.
Maxamuud Axmed Maxamuud.
Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

Hodan Maxamuud Cusmaan.
Osmaan Axmed Maxcow.
Iftiin Xasan Baasto.
fartuun Cabdulqaadir Faarax.
Sacdiyo Xasan Cusmaan
Mowliid Xuseen Guuleed
Cabdikaafi Macalin Xasan