Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani oo Xukuumada Ku Dhaliishay Qorshe La’aanta Ardayda Ka Soo Qalin-jabinaysa Jaamacadaha Dalka

0
316

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani oo Xukuumada Ku Dhaliishay Qorshe La’aanta Ardayda Ka Soo Qalin-jabinaysa Jaamacadaha Dalka.

Hargeysa(warsugannews):-Guddoomiyaha garabka dhallinyarta heer qaran ee xisbiga Waddani Inj.Saynab Axmed Cali, ayaa xukuumadda ku dhaliishay qorshe la’aanta ay sannad walba ku wajahdo arayda kumanaanka ah ee ka soo qalin-jabisa jaamacadaha dalka, waxaana ay sheegtay in dhallinyartii dalku ay six ad dhaaf ah muddooyinkii dambe uga tahriibaayeen dalka iyaga oo ka cararaaya rejo la’aan iyo homar la’aan ay kala kulmaan xaga xukuumada Siilaanyo.

Inj.Saynab Axmed Cali, ayaa hadalkan ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaana ay ugu horeyn hambalyo iyo boggaadin u dirtay ardayda ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka, iyada oo sida oo kalena tilmaantay in xukuumada laga sugaayo siddii ay qorshe ballaadhan ugu samayn lahayd ardayda ka qalin-jabinaysa jaamacadaha, waxaana uu warsaxaafadeedkii u dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed:

Waxan halkan uga hanbalyeynayaa anigoo ku hadlaya magaca garabka dhallinyarda heer qaran ee xisibiga WADDANI , guud ahaan ardayda jaamacadaha dalka ka qalanjabiyay sannadkan , waxaan Illahay uga baryeyaa cilmigay barteen in uu ka yeelo midkii dalkooga, dadkooga iyo nafahooga anfaca. .

Sida aynu aynu ka war qabno sannad walba waxa jaamacadaha dalka ka qalin jabiya arday kumanaan ah, ku waas oo aan loo samayn wax qorshe ah, oo lagu jihaynaayo marka ay dhameeyan waxbarshadii ay hayanka dheer u soo galeen , waxa ay la kul maan daruufo adag iyo niyad-jab ay keentay cadaalad-daro iyo qabyalad, taas oo sababta in dhammaan ubaxii iyo ardaydeenii mudada dheer wax soo baranaayey ay nafahooda ku haligaan badaha waaweyn ee khatarta ah iyaga oo Tahriibaya.

Hadaba ardaydu waxay u baahanyiin qorshe cad in loo sameeyo jihayn, xirfad iyo shaqo-abuurid taasina waxay wajibaad ku tahay xukuumadda talada haysa ee iska indho-tirtay waajibadkii ay lahayd kuna foogan boobka ummada , waxaan leeyahay xukuumada ardaydu waaa ubixii dalka, waxaana idin ka saaran mas’uuliyad sidaas awgeed waa in aad u samaysaan qorsheyaal lagu jihaynaayo laguna horumarinaayo dhallinyarta dalka.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarta heer qaran ee xisbiga Waddani.

Inj.Saynab Axmed Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here