Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Ka Hadlay Caddaalad Darro iyo Caqabado Ka Jira Shaqaalaha Dawladda U Shaqeeya

0
881

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Ka Hadlay Caddaalad Darro iyo Caqabado Ka Jira Shaqaalaha Dawladda U Shaqeeya

Hargeysa(Warsugannews) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Maxamed Mixille Boqore, ayaa sheegay in caddaalad darro ka jirto shaqaalaha dawladda, isagoo tilmaamay in dad dawladda mushahar ka qaataa aanay shaqo tagin ama ay haystaan shaqooyin u gooni ah.

Guddoomiyaha oo maanta yimid xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay inay kala shaandhaynayaan shaqaalaha islamarkaana hubinayaan cidda aan si joogto ah shaqada u iman si looga saaro liiska shaqaalaha dawladda.

“Waxaanu halkan u nimid waxaanu kaantaroolaynaa shaqaalaha dawladda, bar yahan way yara baahbaaheen oo waanu xakamaynaynaa. Dhibaatada dhacday waxa weeye dad baa iska shaqaysta dadna xafiisyadii bay joogaan, markaas baa isku mushahar la qaadanayaa haddana, waliba wasaaraddan warfaafinta gunno faro badan faro badan ayaa la qaataa, waxaan u sheegayaa cid aan shaqayni gunno iskama qaadan karto,” ayuu yidhi Mr Mixille.

Waxa uu mr Mixille sheegay in cidii 15 cisho oo wasaaradda warfaafinta shaqaalaheeda la hubinayay aan iman ay tagi doonto xarunta shaqaalaha si loo hubiyo, haddii kalena laga saari doono bayroolka shaqaalaha dawladda.

“Qofka 12 cisho bilaa fasax kaga maqnaa shaqada shaqaale noo noqon maayo, wasaaraddaha oo dhanna waanu maraynaa, wasaarad walba ha diyaar garowdo, waxaanu samaynaynaa madax taabasho, haddii aanu madaxa taaban wayno qofkaasi shaqaale nooma aha anaga,” ayuu yidhi Mr Mixille.

Waxa uu sheegay inay suuro gal tahay in dad suuqa iska joogaa ka lacag badan yihiin kuwa shaqada sida joogtada ah u wada ee qaranka u shaqeeya “ Waxa laga yaabaa adigoo shaqeeya in qof suuqa joogaa kaa lacag badan yahay, kaas baanu rabnaa inaanu soo saarno, waana khalad iyo dambe, waxa weeye nin baa dhawr milyan iska qaadanaya, adna aanay hal Milyan ba qaadan”, ayuu yidhi mr Mixille.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here