Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Wajaale iyo Gabiley +Sawiro

0
394
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Wajaale iyo Gabiley
Wajaale (WSN)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si la yaab leh loogu soo dhaweeyey degaannada Wajaale iyo Gabiley maanta, kadib markii ay kasoo laabteen safar shaqo oo ay muddooyinkaba ugu maqnaayeen dalka Itoobiya.

Weftigan oo ay Guddoomiye Muuse Biixi ku wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Farotoon), Safiir-ku-xigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Amb. Ayaanle Salaad iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumaddii UDUB Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa barqadii maanta ka soo galay xuduudka dalka magaalada kala qaybisa Somaliland iyo Ethiopia ee Wajaale ee Tog-wajaale, iyada oo galbinayeen wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas si ballaadhan ay ugu soo dhaweeyeen kumanaan dadweyne reer Wajaale ah iyo madaxda iyo masuuliyiinta ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE.

Socod Guddoomiyaha, madaxda wehelinaysay iyo dadweynaha soo dhaweeyey ku mareen jidka dheer ee wadnaha magaalada Wajaale kadib waxa la isugu tagay fagaaraha Khayriyadda Wajaale oo ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiintu, waxaanna ugu horrayn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE Md. Shirwac iyo Guddoomiyaha degmada Wajaale, waxaanay si weyn ugu mahadnaqeen dadweynihii u soo baxay soo dhaweynta Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa.

Suldaanka guud ee Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Xasan oo iyaguna ka hadlay madasha, ayaa iyaguna soo dhaweeyey Guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaanay xuseen inay shacabka reer Wajaale taageero baaxad leh la barbartaagan yihiin xisbiga xisbiga KULMIYE, iyagoo sidoo kalena dadweynaha uga mahadceliyey sida ay soo dhaweeyeen weftiga ka soo kicitimay dalka Itoobiya.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Xamse Maxamed Cabdi, ayaa isaguna shacabka reer Tog-wajaale uga mahadnaqay sida hufan ee ay xilka iskaga saareen soo dhaweynta Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo waliba sida ay ugu dulqaateen cadceedda iyo kulaylka oo ay muddo dheer oo saacado ah u taagnaayeen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Md. Khadar Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa wasiirro iyo saraakiil ka socday Itoobiya oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa soo galbiyey, ayaa khudbad uu ka jeediyey khayriyada Wajaale, ayaa si weyn u amaanay Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu u hogotusaaleeyey shacabka reer Somaliland inay doortaan, waxaannu yidhi, “Jacaylka iyo wanaagga aad Guddoomiyaha u muujiseen mid la mid ah baanu annaguna u muujinay intii uu nala joogay, aadna waanu u soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha oo ay aad iyo aad ay uga go’an tahay inuu Somaliland iyo shacabkeedaba meel sare gaadhsiiyo, himilooyinkiisuna maaha wax halkan lagu soo koobi karo, waxaanan u rajaynayaa inuu guulaysto oo berri isaga oo madaxweynaha Somaliland ah aannu annaguna booqasho ugu tagno.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna hadallo mahadnaq iyo bogaadin u badan u jeediyey shacabka ku dhaqan Wajaale, isaga oo sidoo kale shacabka iyo madaxda dawladda Federaalka Itoobiya iyo ismaamulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya uga mahadnaqay sidii milgaha lahayd ee ay soo dhaweeyeen muddadii uu safarka dalkooda ku joogay iyo booqashooyinkii uu la qaatayba, waxaannu yidhi, “Shacabka sida wanaagsan noo soo dhaweeyey ee bacadka taagnaa muddada dheer aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dawladda aynu jaarka nahay ee Itoobiya heer Federaal ilaa Ra’iisal-wasaaraha, shacabkooda iyo ciidamadoodaba sidii walaaltinimada lahayd ee ay noo maamuuseen iyo dawlad-deegaanka Itoobiya oo si cajiib ah oo walaaltinimo leh oo kalgacl badan madaxweynahooda iyo shacabkooduba noo soo dhaweeyeen, isla markaana ay wefti wasiirro ah na soo galbiyeen oo ay xadkii ka soo tallaabeen.”

Intaas kadib Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa loo soo galbiyey dhinaca magaalooyinka Kala-baydh iyo Gabiley, waxaana waddooyinka iyo fagaareyaasha kala duwan ee magaalooyinkaas taxnaa dadweyne tiro badan oo u soo diyaar garoobay soo dhaweynta weftiga, kuwaas oo uu Guddoomiyuhu gaadhiga uga degay, isla markaana socod lug ah iyo orod guclo ah la qaatay dhallinyaro xiiso u qabtay aragtidiisa oo waddooyinka ku sugnayd.

Soo dhawayntaa laxaad leh ee Murrashax Muuse Biixi kala kulmay dadweynaha reer Gabiley kadib waxa uu mar kale dadweynaha kala hadlay fagaaraha Khayriyadda Gabiley, isaga oo uga mahadceliyey soo dhaweyntooda iyo samirka ay muujiyeen, maadaama uu waqti kulul ku soo beegmay, waxaannu si faahfaahsan uga hadlay safarkiisii dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay inuu safarkaasi guulo uga soo hoyden Somaliland, isla markaana ay labada dhinac isla meel dhigeen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay madaxda kala duwan ee dawladda Ethiopia kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin hirgelinta waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, sidii loo dhammaystiri lahaa guddidii ganacsi ee labada dhinac ee dardargelinta baayac-mushtarka labada dal iyo sidii loo fududayn lahaa isu-socodka dadweynaha, gaar ahaan dhanka Itoobiya oo shacabka reer Somaliland cabashooyin badan ka muujiyeen, iyadoo sidoo kalena wax badan la iska weydiiyey kor-u-qaadista arrimaha amniga iyo xoojinta arrimaha siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya, waxa kaloo uu hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda Ethiopia ballanqaaday inay qayb muhiim ah ka qaadan doonaan gurmadka abaarta ka jirta Somaliland, isla markaana ay toddobaadka soo socda hor dhaca caawimooyinkaasi dalka soo geli doonaan.
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon iyo Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa iyaguna shacabka reer Gabiley la hadlay, waxaanay si weyn ugu mahadnaqeen shacabka Gabiley oo ay ku bogaadiyeen sida ay muhiimadda u siiyeen soo dhaweynta weftiga uu Guddoomiyuhu hoggaaminayo.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????