telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Guddoomiyaha KULMIYE oo ku Hambalyeeyey Ciidanka Booliska Sannad-guuradooda 24-aad 

Guddoomiyaha KULMIYE oo ku Hambalyeeyey Ciidanka Booliska Sannad-guuradooda 24-aad

War-saxaafadeed – 05 November 2017

UJEEDDO: HAMBALYO 
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku hambalyeynayaa guud ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland xuska dabbaaldegga sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ciidan bisil oo inta karaankooda ah u guta shaqadooda si wanaagsan, isla markaana si nabad ah shacabka reer Somaliland-na ugu seexdaan sugidda amnigooda.
Md. Muuse Biixi waxa uu ku ammaanay ciidammada Booliska shaqada muhiimka ah ee ay qaranka ku hayaan, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay sii libinlaabaan foojignaantooda iyo sugidda amniga waddanka marxaladda lagu jiro ee doorashooyinka, , isagoo shacabka Somaliland oo uu ku bogaadiyey siday gacanta u siiyaan ciidammada amniga ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqaynta Booliska.
Ugu dambayntii, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Taliyaha, saraakiisha, saraakiil ku-xigeenka iyo dablayda ciidanka booliska iyaga iyo qoysaskooda uu Alle uga baryayaa inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, horumar iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

174 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins