Guddoomiyaha KULMIYE oo Naqdiyey Duudsiga Beesha Caalamka ee Somaliland iyo Dadaalka ay la Garab Joogto Soomaaliya +Sawiro

0
413

Guddoomiyaha KULMIYE oo Naqdiyey Duudsiga Beesha Caalamka ee Somaliland iyo Dadaalka ay la Garab Joogto Soomaaliya
Wefti xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ah oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo deegaanka Balli-kaliil kaga qaybgalay xaflad loo sameeyey arday dhammaysay xifdiga Qur’aanka

Hargeysa (Warsugannews)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynenimo xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa naqdiyey duudsiga beesha caalamku ku hayso xaqa dalka Somaliland iyo ummaddiisa iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay la barbartaagan yihiin maamulka Soomaaliya ee aan jirinba.

Sidaana waxa Guddoomiye Muuse Biixi ka sheegay xaflad loo sameeyey toban arday oo dhammeeyey xifdiga Qur’aanka Kariimka ah oo ay ka barteen dugsiga hoyga ah ee hoose/dhexe ee Dallaayad ee deegaanka Balli-kaliil oo ka tirsan degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi-jeex, taas oo ka dhacday deegaankaasi maanta oo Jimca ah, kana qaybgaleen wefti ballaadhan oo isugu jira xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha guud Wasaaradda Warshadaha, xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, salaadiin iyo waxgaradka deegaanka.

Shacabka deegaanka Balli-kaliil, ayaa soo dhawayn ballaadhan ku qaabileen weftiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo iyagoo aan u kala hadhin rag iyo haween lulaya calanka Somaliland iyo caleemo-qoyan safaf dhaadheer u galay qaabilaadda masuuliyiinta booqashada ugu tagay.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta kalgacalku hawan ee loo sameeyey, waxaannu hambalyo, bogaadin iyo ducaba isu raaciyey ardayda loo xafladeeyey ee dhammaysatay xifdiga Qur’aanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu saluug weyn ka muujiyey quudhsiga beesha caalamku ku hayso horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaannu yidhi, “Innagoo maanta heerkaas marayna haddana waxa wax lala yaabo in Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Maraykanka xoogga badan ee ciidankiisu yidhaahdo geed walba Satalayt (Satellite) baanu ku ilaalinaa ay arki la’yihiin ummaddan tashatay ee Somaliland iyo waxay qabsatay, iyagoo meel inagaga dhacaya ayey maalin walba yidhaahdaan waxa idin metelaaya nin suuq yar oo Xamar ah xukuma oo Somaliland ma ictiraafsanin.

Waxa sidoo kale la yaab leh in dhawaan aynu maqlaynay in caalamku Soomaaliya u dhisayo dawlad gacan-ku-rimis ah Soomaaliya oo waliba loo dhisayo laba aqal oo kuweena lagaga dayday oo Guurti iyo Baarlamaan ah oo aan la ina weydiisan xuquuqda wixii aynu hindisnay, markaasaa haddana la ina leeyahay oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo inta la shaqaysaa ay ina leeyihiin aqalka sare waxa laga soo wada qaayaa Soomaaliya oo dhan, haddii Somaliland diidana annagaa meelahaas qaar ka soo ururinayna.”

Waxa kaloo uu sheegay in reer Somaliland laftoodu qayb ku leeyihiin hab-dhaqanka hooseeya ee beesha caalamku kula dhaqanto dalkeenna, “Halka la inooga soo dhacayna waxa weeye inaynu codkeena dhegaha dadkaas gaadhsiino ayeynu ka gaabinay oo Tv-geena iyo jaraa’idkeena oo caalamka gaadha ayaan laga maqlin innagoo adduunka la murmayna oo xuquuqdeenii raadsanaysa oo waxa laga maqlaa uun ‘annoo reer Hebel ah wallaahi inaanaan taas yeelaynin,’ waxaana la inoo arkaa duul iyagu is cunaya oo aan u qalmin waxa ay doonayaan, sababtuna waxa weeye waxa iskaga keen qaldamay faa’iidadii warbaahinta iyo khasaarihii ay lahayd,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo Guddoomiye Muuse Biixi si qoto dheer oo xeeldheeri dhinaca dhaqanka ahi ku jirto uu u sharraxay agab dhaqanka ah oo lagu gingimay madashii loogu fooladaynayey aradayda qallinjabisay, isagoo is-barbardhig cilmiyeysan ku sameeyey waxbarashada qallinka iyo midda farshaxannimo ee dhaqankeena suubbani leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdilaahi-dheere), ayaa isaguna sheegay in xukuumad ahaan wixii awooddooda ah ay la garab istaagi doonaan deegaanka Balli-kaliil, gaar ahaan horumarinta iyo dhammaystirka wixii ka dhiman dugsiga Dallaayad oo dadka deegaanku hore u dhisteen, isla markaana xukuumaddu diyaar u tahay dhammaystirka dhammaanba qabyooyinka deegaanku sheegteen.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, ayaa hadal kooban ka jeediyey halkaasi, ayaa shacabka reer Balli-kaliil ugu bushaareeyey inuu si shakhsiyan ah dugsiga ugu dhisi doono qol caafimaad u gaar u ah ardayda dugsiga, kaas oo uu u dhamaystiri doono agabkiisa.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Jaamac Cabdillaahi Biin iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa uga mahadceliyey dadweynaha deegaanka Balli-kaliil sida ay u soo dhaweeyeen weftiga.

Ugu dambayntii, madaxdu waxay xadhigga ka jareen dhismaha Saldig boolis iyo qaybo cusub oo dugsiga hoyga (Boarding) ee Dallaayad lagu kordhiyey, waxaanay shacabka deegaanku si weyn uga mahadnaqeen sida toolmoon ee xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u garabtaagan yihiin.

thumb_DSC_0339_1024

thumb_DSC_0345_1024

thumb_DSC_0347_1024

thumb_DSC_0348_1024

thumb_DSC_0354_1024

thumb_DSC_0360_1024 2

thumb_DSC_0361_1024

thumb_DSC_0363_1024

thumb_DSC_0366_1024

thumb_DSC_0381_1024

thumb_DSC_0400_1024 copy

thumb_DSC_0402_1024 2

thumb_DSC_0411_1024

thumb_DSC_0412_1024

thumb_DSC_0418_1024

thumb_DSC_0423_1024 2

thumb_DSC_0424_1024 2

thumb_DSC_0435_1024

thumb_DSC_0440_1024

thumb_DSC_0453_1024