Guddoomiyaha KULMIYE oo tacsi u diraya geerida Marxuun Eng Axmed Warsame Siciid‏

0
428

Guddoomiyaha KULMIYE oo tacsi u diraya geerida Marxuun Eng Axmed Warsame Siciid‏
XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE) Date: 06/03/2016
Ujeeddo: Tacsi

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda aqoonyahanka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/03/2016.

Marxuum Axmed Warsame Siciid waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka cilmigooda baahida weyn Somaliland oo uu horena wax badan uga faa’iideeyey bilicda dhismayaasha magaalooyinka iyo waddooyinka Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa ku tilmaamay in Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo lahaa hal-abuurnimo qoto dheer iyo aragti fog, waxaannu Marxuunka Alle uga baryeyaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo qoyska, qaraabada, bahda aqoonta iyo guud ahaan shacabka Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE