Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL iyo dhammaan Shaqaalaha Hay’addaas oo tacsi u diraya ehelada Marxuum Saleebaan Axmed Hagoog

0
382

TACSI: INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL iyo dhammaan Shaqaalaha Hay’addaas oo tacsi u diraya ehelada Marxuum Saleebaan Axmed Hagoog

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL, Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi, Agaasimaha Fulinta Xasan Axmed Yuusuf iyo dhammaan shaqaalaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL ayaa iyagoo ka tiiraanyaysan geerida ku timi waxay TACSI u dirayaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Saleebaan Axmed Hagoog oo 24kii ku geeriyooday magaalada Hargeysa. “Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa marxuumka inuu NAXARIISTII JANNO ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo umadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo”.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxa ka mid ah dadka diraya tacsidan:-

Cabdi Cabdillaahi Xirsi, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL

Xasan Axmed Yuusuf

Fatima Axmed Maxamed

Axmed Cumar Cilmi

Afnaan Siciid Jaamac

Maxamed Xuseen Maxamed