Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Kulmiye oo Tacsi Tiiraanyo leh u dirayQoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka Baxay Marxuum Maxamuud Lafcambe

0
290

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Kulmiye oo Tacsi Tiiraanyo leh u dirayQoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka Baxay Marxuum Maxamuud Lafcambe

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun haleelay.
Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo odayaashii caanka ahaa reer Hargeysa ee doorka waxtarka wanaagsan ka soo qaybqaatay, waxa uu hadda xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE