Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Ehelada iyo shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Mijir Qaadi

0
539

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Ehelada iyo shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Mijir Qaadi

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

Marxuum Mijir Qaadi waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay waqtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labada ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambeyna ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door wayn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Mijir Qaadi inuu ahaa nin wanaagsan oo dhawrsan, degan oo oday u ahaa bulshada, taariikhyahan ahaa oo ka baxay Qaranka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE