Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Muuse Biixi oo tacsi u diray qoyskii Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab)

0
315
????????????????????????????????????

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
09 January 2017
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab) oo ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer maanta oo taariikhdu tahay 09/01/2017.

Madaxda xisbigu waxay ku sifeeyeen Marxuum Caaqil Cabdi Cabdillaahi Maxamed (Cabdi Carab) inuu ahaa oday dhaqanka ruug-caddaa ku ahaa, kana mid ahaa cuqaasha ugu da’da waynaa Gobolka Togdheer, addoon wanaagsan oo muddo dheer u soo shaqaynayey dadkiisa iyo dalkiisaba, gaar ahaana uu dadaalladii nabadaynta iyo qaran dhiska door wayn ka soo qaatay.

Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbigu waxay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE