Guddoomiyaha xisbul-xaakimka ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi waxa uu shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Ciise Axmed Kaar u dirayaa Tacsi

0
358
????????????????????????????????????

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL-15 Oct. 2016
TACSI

Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Ciise Axmed Kaar oo ku geeriyooday magaalada Burco Gobolka Togdheer xalay oo taariikhdu ahayd 15/10/2016, laguna aasi doono magaalada Buuhoodle.

Marxuum Ciise Axmed Kaar waxa uu ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee deegaanka Buuhoodle, door wayna ku lahaa dadaallada nabadaynta iyo horumarka bulshada. Waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Marxuumku aabbihii ahaa.

Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuum Ciise Axmed Kaar inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE