Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Aadan Jaamac Cumar waxaanu si gaara uga tacsiyadaynayaa G-kuxigeemka Xisbiga Kulmiye Mj M Kaahin

0
341

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Aadan Jaamac Cumar waxaanu si gaara uga tacsiyadaynayaa G-kuxigeemka Xisbiga Kulmiye Mj M Kaahin

TACSI-20 Oct. 2016-Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Aadan Jaamac Cumar oo ku geeriyooday magaalada Burco ee Gobolka Togdheer maanta oo taariikhdu ahayd 20/10/2016.

Marxuum Aadan Jaamac Cumar waxa uu ka mid ahaa odayaasha Gobolka Togdheer ee doorka ku lahaa nabadayntii iyo walaalayntii bulshada. Waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridan qoysaska Ilma Jaamac Cumar iyo Ilma Kaahin Axmed, gaar ahaan Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo uu Marxuumku abtigii ahaa.
Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE