Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaskii iyo Shacbiga Somaliland

0
317

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL (KULMIYE)
UJEEDDO: TACSI
Hargeysa(Warsugannews)July 02, 2016-Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska, qaraabada, qaranka, Golaha Wakiillada, bahda dhaqanka iyo shacabka Somaliland ee ay kala baxeen Marxuum/Xildhibbaan Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere) oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska iyo Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday dalka Sweden taariikhda 01/07/2016.
Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey labada marxuum odayaal waayo-arag iyo dhaqan yaqaan ahaa oo wax badan soo taray dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu labada maxruum uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, qaranka, asxaabta, xildhibaannada iyo bahda dhaqankaba inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE