Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Digay In La Carqaladeeyo Diwaangalinta Gobolka Sool iyo Buuhoodle

0
549

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Digay In La Carqaladeeyo Diwaangalinta Gobolka Sool iyo Buuhoodle

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dadka deggaannada Sool iyo Buuhoodle xilligan diyaar u yihiin doorashooyin ka dhaca, islamarkaana ay ka digayaan cid kasta oo doonaysa inay carqaladayso diwaangalinta iyo doorashooyinka la doonayo in markii u horaysay deggaannadaasi laga hirgaliiyo. Guddida doorashooyinka ayaa dhawaan bulshooyinkaasi ugu baaqay u diyaar garowga diwaangalinta, maadaama gobolka Sanaag haddan laga wado diwaangalinta.

Guddoomiye Baashe oo shalay u warramayay telefishanka Bulsho waxa uu sheegay in wacyi galinta diwaangalintu hadda tahay mid yar loona baahan yahay in la kordhiyo “Waxaanu doonaynaa in dadka wacyi galin fiican la siiyo wakhtiga hadhay oo dadka la wacyi galiyo oo laga dhaadhiciyo diwaangalintu faa’iidada ay leedahay, xaggaas wacyi gelintu way yar tahay,” ayuu yidhi mudane Baashe.

Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay hore u dhicin xilli dadka deggaannada Sool ku nooli uga diyaarsan yihiin doorashada inay ka qayb qaataan “Waxaanu rajaynaynaa in doorashadu Sool si wanaagsan uga dhacdo, dadkuna doorashadu u inay dhacdo maalin ay uga diyaarsan yihiin ma jirto. waxaanu doonaynaa in xukumaddu waajibkeeda qaadato oo deggaannada fogfog ka hawl gasho oo loo diyaar garoobo,” ayuu yidhi mudane Baashe.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray dadka ku hawlan carqaladaynta doorashada gobolada bari “Dadka doonaya inay carqaladeeyaan waxaanu u sheegaynaa inay ka waantoobaan oo la daayo dadku waxay rabaan, islamarkaana qofkii rabaana codeeyo kii aan rabina aanu codayn laakiin, aan dagaal iyo dhiig soomaaliyeed la daadin sida hadda ka dhacday Dhahar. Dadku ikhtiyaar buu leeyahay laakiin, in dagaal lagu soo qaado maaha, markaa doorashadaasi way dhacaysaa, dadkana qofkii doonaa codayn kii kalena gurigiisa ayuu iska joogi, balse cid xoog ku joojin kartaa ma jirto, in dhiig soomaaliyeed la daadiyana waanu uga digaynaa,” ayuu yidhi mudane Baashe.

Maamulka Puntland ayaa isku dayay inay carqaladeeyaan diwaangalinta deggaannada bariga ee gobolka Sanaag, waxaana ciidamada qaranku halkaasi ugu gaysteen dhirbaaxo aanay ka soo noqon. Diwaangalinta oo la rajaynayo inay u gudubto deggaannada Sool iyo Buuhoodle ayaa xukumaddu dedaal ugu jirtaa sidii dadkaasi uga qayb gali lahaa doorashooyinka Somaliland, waxaana bulshada deggaanka lala gaadhay heshiisyo hor dhac ah, hase ahaatee maamulka Puntland ayaa ku doodaya in dhulkaasi ka mid yahay dhulkooda kuwaasi oo mar kasta la filan karo carqaladayn ay ku qaadaan deggaannadaasi.

Xigasho Wargeyska Warsugan