Guddoomiye Cirro Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Siyaasi Weyn Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
362

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha aqalka Wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlay magaciisa ka mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland iyo ka Xisbiga WADDANI wuu dhammabaal Tacsi ah u dirrayaa siyaasiyiinta wax-garadka aqoonyahayn asxaabtii eheladii qaraabadii qoyskii iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ,isagoo ka tacsiyadanaya geeridii ku timi Marxuum Axmed Aadan Cali “Goodir”oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/12/2016.

Musharax Dr C/raxmaan Cirro ayaa marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa marxuumku halyey dalkiisa iyo dadkiisa jecel ,isla markaana ku dhaata Somaliland-nimada,isagoo ahaa xubnihii ugu horeeyey ee guddigii ugu haraysa ee doorashooyinka qaranka Somaliland uu yeesho, waxa kale uu ahaa siyaasi rug cadaa ah oo door weyn ka soo qaatay xaaladii siyaasadeed ee dalka, waxaanu hadda hayey marxuumku xilka La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arimaha dowladaha hoose.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro ayaa wuxuu Marxuumka Alle uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Qoyskii,Eheladii Qaraabii, Asxaabtii Iyo shacabka Reer Somaliland ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Xafiiska Hargeysa