Guddoomiye Cirro Iyo Axmed Muumin Seed Oo Isku Khilaafsan Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI

0
597

Guddoomiye Cirro Iyo Axmed Muumin Seed Oo Isku Khilaafsan Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI

Hargeysa (warsugannews) Khilaaf siyaasiya ah, ayaa ka dhex abuurmay hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayo jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi oo uu loolan adag ugu jiro Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed.

Khilaafkan ayaa tibaaxuhu waxay sheegeen in Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo dhawaan kulan la yeeshay xubno ka mid ah xisbiga WADDAI oo ka soo jeeda gobolka Awdal iyo madaxdhaqameed, kuwaas oo uu faray inay iska dhex xulaan si loogu ansixiyo Shirka golaha dhexe oo lagu wado inuu dhawaan qabsoomo.

Saddex siyaasi ayaa la sheegay in midba kulamo gaargaar ah la yeeshay Guddoomiye Cirro, kuwaas oo hordhigay damacooda ku aadan jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADDANI, waxaanay arrintaasi ismaandhaaf ka dhexdhalisay Cirro iyo Aaxmed Muumin Seeed.

Xigasho Gudgudenews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here