Guddoomiye Cirro Oo Cisbitaalka Ku Bookhday Suldaanka Guud Ee Salaadiinta Somaliland Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Oo Xaaladdo Caafimaad Darro La Jiifa + Sawirro‏

0
429

Guddoomiye Cirro Oo Cisbitaalka Ku Bookhday Suldaanka Guud Ee Salaadiinta Somaliland Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Oo Xaaladdo Caafimaad Darro La Jiifa + Sawirro‏

Hargeysa (Warsugannews)Guddoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,ayaa maanta cisbitaalka international Hospital ee Magaalaga Hargeysa ku booqday Suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed C/qaadir iyo boqor Raabi Yusuf C/laahi, kuwaas oo xaalado caafimaad darro oo la soo derrisay la kala jiifa halkaasi.

Suldaan Maxamed C/qaadi ayaa la sheegay inuu habeenkii xalay ahaa xanuun ku soo booday, kaas oo hadda lagga dabiibay cisbitaalka international Hospital ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo suldaanka guud ee salaadiinta somaliland suldaan Maxamed C/qaadir ku bookhday qolka lagu dabiibayo , ayaa illaahay uga beryey inuu xanuunka ka dul qaado oo uu siiyo caafimaad sareecan ah, isla markaan waxa uu gudoomiye Cirro qolka lagu dabiibayo ku bookhday isna Boqor Raabi Yusuf C/laahi oo in muddo ah u jiifay cisbitaalkaasi xanuun haaleeylay, balse ay hadda xaaladiisu ka soo raynayso, waxaanu Md: Cirro illaahay uga beryey inuu caafimaad deg-dega ah siiyo.

Dhanka kalena dhakhaatiirta ka hawgashay cisbitaalka international Hospital ayaa Guddoomiye Cirro uga war-bixiyey xaaladaha ay hadda ku sugan yihiin labadan madax-dhaqameed, waxaanay sheegeen inay hadda wanaagsan yihiin.

Si kastab ahaatee Guddoomiye Cirro oo maanta ku soo guryo noqday dalka, ayaa isla markii oo madaarka Hargeysa ka soo degay Cisbitaalka international Hospital ee magaalada ku bookhday suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland suldaan Maxamed C/qaadir oo xanuun ku soo booday lagga dabiibayo iyo boqor Raabi Yusuf C/laahi oo isna in muddo ah halkaasi la jiifay xanuun, waxaanu illaahay uga beryey inuu xanuunka ka dul-qaado oo uu caafimaad sareecan siiyo.
12467948_10208288575242726_644913173_n

12575998_10208288566482507_101091254_n

12606942_10208288565602485_239329162_n

12607152_10208288578082797_1317966665_n