Guddoomiye Cirro Oo Haweenka U Asteeyay Qoondo La Mid Ah Ta Soomaaliya Ee Beesha Caalamku Dabada Ka Riixayso Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inuu Soomaaliya Wada Hadal La Furi Doono

0
362

Guddoomiye Cirro Oo Haweenka U Asteeyay Qoondo La Mid Ah Ta Soomaaliya Ee Beesha Caalamku Dabada Ka Riixayso
Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inuu Soomaaliya Wada Hadal La Furi Doono

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha, ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa khudbaddiisii shalay ee furitaanka shirka golaha dhexe, wuxuu ku sheegay in dawladdiisu haweenka goleyaasha qaranka ka siinayso kooto dhan Sodob boqolkiiba. Qorshihiisa ayaa imanaya xilli culimada Soomaaliya iyo beesha caalamku isku khilaafsan tahay kuraasta dumarka looga qoondeeyay goleyaasha dawladda Soomaaliya oo dhan Sodon boqolkiiba.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u qorsheeyay in kuraas kooban kooto loogu xidho haweenka maaddaama ay adkaatay inay la tartamaan ragga laakiin, arrintaasi waxaa dabar ku noqday dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya in mawaadin kastaa xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto laakiin, aan kala saarin rag iyo dumar.

Laakiin, guddoomiye Cirro wuxuu sheegay in hadduu guulaysto uu samaynayo guddi dastuurka dib u eegta kadibna uu hirgalinayo kootada haweenka “Xukuumadda WADDANI waxay Samaynaysaa Guddida Dib u Eegista iyo Qabyo-tirka Dastuurka Qaranka. Guddidaasu waxay ka talo-bixinaysaa sidii Dastuurku ula jaan-qaadi lahaa geeddi-socodka habka dimuqraadiga wada-tashigu, korriinka dawaldnimada iyo isbeddelka wax-wada-lahaasho ee aynu dhidibada ugu aasayno midnimada ummadda. Waxay Hirgelinta saamiga haweenka Golayaasha dawladda 30%, iyo kor u qaadidda ka qaybgalka xukuunka heer walba bulshada dulman,” ayuu guddoomiye Cirro ku yidhi khudbadiisa oo ku saabsanayd aragtidiisa dawladnimo ee mustaqbalka haddii uu guulaysto.

Aragtida Guddoomiye Cirro ee Arrimaha Dibada iyo Gudaha
Guddoomiye Cirro oo ka hadlayay siyaasaddiisa citiraaf raadinta waxa uu sheegay inuu wada hadal la furi doono Soomaaliya. Waxa kale oo uu tilmaamay in midnimo gudaha laga hirgaliyaa fure u tahay citiraaf raadinta.

“Qarankani wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudaha dawladnimo taam ah. Waxay Xukuumadda WADDANI diyaar u tahay in ay xoogga saarto furdaaminta caqabadaha aqoonsiga hortaagan, iyada oo ay dhisayno xidhdhkeena caalamaka, xoojinayna danaha iyo xidhiidhka aynu la wadaagno dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka. Waxaanu diyaar u nahay wadahadal midho-dhala in aanu walaalaha Somalia la yeelano, kaas aanu aaminsanahay in aanu ku guulaysan karno dhismaha laba dawladood.

Waxaa noo fududaynaya hawsha aqoonsi raadinta, tacabka gudaha aynu gelino ee adkaynaya dhismaha qaran adeegsada habka dimuqraadiyadda wada-tashiga, ku dhaqma qaynuunka, oo ka nadiifoobay musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiil; kaas oo ilaaliya xuquuqal-insaanka, xoriyadaha asaasiga ee dadka iyo ku-dhaqanka heshiisyada caalamku dhigtay.

Waxaanu sugaynaa midnimada dadka iyo dalka, anigoo ku salaynaynaa siyaasadda saami-qaybsiga kuraasta golayaasha qaranka, kuw xukuumadda iyo khayraadkiisaba oo caddaalad ku dhisan. Waxa Xukuumadda WADDANI garowsantahay tabashada bulshooyinka Sool iyo Sanaag Bari. Waxay balanqaadaysaa in hirgeliso xal waara oo ku dhisan wada-tashi iyo wax-wada lahaansho si aynu u dhalino isaamin bulsho oo waara inoona horseeda nabad taam ah iyo barwaaqo.”

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office