Guddoomiye Cirro oo Saaka Guryahooda Ku Booqday Odeyada iyo Shuyuukhda Ugu Caansan Boorama+SAWIRO

0
654

Guddoomiye Cirro oo Saaka Guryahooda Ku Booqday Odeyada iyo Shuyuukhda Ugu Caansan Boorama+SAWIRO

Hargeysa(Warsugannews):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday Cabdiraxmaan Cilleeye oo ka mid ah odeyaasha ugu waaweyn uguna caansan gobalka Awdal isla mar ahaantaana muddooyinkii dambe xanuun u jiifay gurigiisa. Waxa kale oo uu isna gurigiisa ku booqday Sheekhul Beledka magaalada Boorama Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqashadiisan ay ku wehelinayaan guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabka dhallinyarta iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro oo booqashaddiisan ku horreeyey Cabdiraxmaan Cilleeye oo isagu xanuun u jiifa gurigiisa, ayaa ugu horreyn Eebe uga baryey in uu ka dulqaado xanuunka sida oo kalena uu caafimaad siiyo isaga iyo umadda Islaamka ahba.

Cabdiraxmaan Cilleeye oo isna xaaladdiisa caafimaad ay hadda roon tahay, ayaa guddoomiye Cirro iyo xubnaha kale ee soo booqday uga mahad-celiyey booqashada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Illaahay uga baryey in miisaanka xasanaadka u saaro sida oo kalena uu muraadkiisa siiyo.

Intaa ka dibna waxa uu guddoomiye Cirro iyo xubnaha wehelinaayeyba ay booqasho gurigiisa ugu tageen Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ah sheekhul-belledka magaalada Boorama oo isagu aan xanuunanayn balse gurigiisa iska joogay, waxaana bariido iyo is-xogwaraysi ka dib uu Sheekhul-belledku uga mahad-celiyey guddoomiye Cirro iyo weftiga soo booqdayba in Eebe raali ka ahaado sida oo kalena uu muraadkooda u sahlo if iyo aakhiraba.

12722565_1104694032888125_821990260_o (1)

12695665_1104692756221586_492734131_o (1)

12696220_1104692882888240_1679443294_n

12722565_1104694032888125_821990260_o (1)

hfff

jhfd

kk

paqqqq

plok

uhys