Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka

0
586

Hambalyo:-Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka

Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo duco uu u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ah ee dunida dacaladdeed kala jooga, gaar ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ugu hambalyeynaaya curashada sannadka cusub ee Islaamka ah 1438(Hijriyada) awgii oo ku beegan maalinta Axadda(Beri) ah oo taariikhda Miilaadigu na ay tahay 02//10/2016.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Illaahay uga baryeyaa in shacabka Somaliland ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo badhaadhe, inta bugta uu xanuunka ka dulqaado, intii caafimaad qabtana na uu u siyaadiyo, sida oo kale na uu naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii geeriyootay. Waxa kale oo uu guddoomiyahu uu Eebe ka baryeyaa in shacabka Somaliland uu sannadka sannadkiisa siiyo Ictiraaf ay ka helaan dunida inteeda kale.

Ugu dambeyntii, Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu shacabka Somaliland uu ugu baaqayaa in ay wada ilaashadaan nabad-gelyada sida oo kale na ay meel uga soo wada jeestaan wixii dhibbaateynaaya qaranimada Somaliland, si qaran ahaan aynu u gaadhno himilada shacabkeena.

Kullu Caam Wa Antum Bilkhayr.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland