Guddoomiye Cirro, Waa Gurigii aad Codadka ka Helayseen … Reer Balli-dhiig-na waa WADDANI

0
398

“..Guddoomiye Cirro, Waa Gurigii aad Codadka ka Helayseen … Reer Balli-dhiig-na waa WADDANI..”

Guddoomiyaha Degmada Xaaji Xasan Geele (Balli-dhiig) Cali Faarax Cali

Balli-dhiig(Warsugannews)-Guddoomiyaha Degmada Xaaji Xasan Geele (Balli-dhiig) Md. Cali Faarax Cali, ayaa daboolka-ka-qaaday in dadweynaha ku dhaqan degmadaasi uu taageersan yahay Xisbiga mu’caaridka ee WADDANI, sidaa darteed-na aanu jirin Xisbi kaloo ay maanka ku hayaan, marka la gaadho waqtiga doorashada inay codadkooda siiyaan. Sidaana waxa Guddoomiyuhu ka sheegay goob-fagaare ah oo ay kusoo dhoweynayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo wefdi uu hoggaaminayey, kuwaasoo sodaal indho-indhayn ah ku marayey deegaanada diiwaan-gelintu ka socoto ee Bariga Gobolka Togdheer.

Guddoomiye Cali Faarax Cali, isaga oo dabba socdey weedho kasoo yeedhay Guddoomiye Cirro, nuxurkiisuna ahaan haddii Madaxweyne Siilaanyo ka hadhay taratnka doorashada soo socota, in aanay jirin cid kaloo Xisbiga WADDNI ka xigtaa codadka dadka ku dhaqan degaanka Balli-dhiig, waxa uu yidhi: “…Guddomiye, soo dhowaada. Waa Barra-diinii, waa Gurigii aad codadka ka helayseen, cid idinka xigtaana ma jirto. Reer Balli-dhiig-na waa WADDANI…”.

Dhanka kale, dadweynnaha ku dhaqan deegaanka Balli-dhiig, oo iyagu aad u soo dhoweyn Guddoomiyaha iyo wefdigiisa intii ay halkaa joogeen, ayaa Guddoomiye Cirro ka codsaday inuu socdaal kale ku yimaado deegaanka. Geesta kale, wararka naga soo gaadhay wefdiga, ayaa sheegaya in socdaalka wefdigu uu hadda ku jiheysan yahay Tuuladda Duruqsi.