Guddoomiye C/raxmaan Cirro Oo Dhammaal Hambalyo Ay Diray Shacabka Reer Jabuuti Iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.‏

0
336

Guddoomiye C/raxmaan Cirro Oo Dhammaal Hambalyo Ay Diray Shacabka Reer Jabuuti Iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.‏
Hargeysa(Warsugannews)Guddomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland ahna guddomiyahaa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka mudanayaasha golaha wakiilada iyo ka xisbiga WADDANI,wuxuu dhammaal hamabalyo ah u dirayaa shacabka reer jabuuti iyo dowlda dalka jabuuti,isagoo ku hamabalyeyna doorashadii sida nabadglyada lahayd uga qabsoontey dalkaasi jimcihii doraad,waxaanu si gaar ah u hambalyeynaa guddoomiye C/raxmaan Cirro Madaxweynaha dalkaasi Jabuuuti oo markii afraad loo doortay maalintii jimcihii inuu noqdo madaxweynaha dalka jabuuti.

Md C/raxmaan Cirro ayaa sheegay inuu ku faraxsanyaha guusha uu doorashadii madaxatooyada maalintii jimcihii ka dhacday dalka jabuuti uu ka gaadhay Madaxweyne Md. Ismaciil Cumar Geelle,ka dib ay shacabka reer Jabuuti marki afraad u dooteen madaxweyne jamhuuriyada jabuuti inuu noqdo Md.Ismaaciil Cumar,waxaanu xusay guddoomiye C/raxmaan Cirro inuu Madaxweyne Ismaaciil uu ku suntayahay astaanta horumarka Geeska afrika,isagoo sidoo kalena Guddoomiye Cirro ku hambalyeeyay shacabka reer jabuuti ee codkooda siiyey ismaaciil cumar Geelle iyo guud ahaanba shacab weynaha reer jabuuti .

Guddoomiye c/raxman Cirro ayaa sheegay in uu u rajaynayo shacabka reer jabuuti iyo madaxweynaha marka afraad loo doortey hoggaminta talada dalka jamhuuriyada jabuuti ee Ismaciil Cumar Geelle in ay ku nooladaan nabad barwaaqo iyo horumar.