Guddoomiye Muuse Biixi oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Dhallinyarada iyo Aqoon yahanka Gobolka Togdheer + Sawiro

0
658

Guddoomiye Muuse Biixi oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Dhallinyarada iyo Aqoon yahanka Gobolka Togdheer
—————————————————————–
Burco:(WSN)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan magaalada Burco kula qaatay dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda gobolka Togdheer, waxana labada dhinac is weydaarsadeen afkaaro iyo xogo badan oo ku saabsan sidii xisbiga KULMIYE wada jir loogu wada dhisi lahaa, guulna loo gaadhi lahaa.

Kulanka guddoomiyuhu la qaatay da’yarta iyo bahda aqoonta ee gobolka Togdheer oo ahaa mid si weyn loo agaasimay, ayaa wax aka qayb-galay xubno kamid ah hoggaanka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, hoggaanka Garabka dhallinyarada heer qaran iyo heer degmo ee gobolka Togdheer, madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer, garabka Haweenka ee xisbiga, wasiirro, wasiir ku-xigeenno, wasiir-dawlayaal iyo xubno tiro badan oo kamid ah aqoonyahanka kasoo jeeda gobolka Togdheer, waxana si hufan loogu faaqiday sidii wada jir looga wada shaqayn lahaa guul uu xisbigu mar labaad hoggaanka dalka ku haaneedo.

Xubno tiro badan oo kamid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee gobolka Togdheer oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah shaaca uga qaaday inay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horrayn guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee gobolka Togdheer Md. Abokor Carab Ileeye oo madashaas daah-furay, ayaa bahda aqoonyahanka iyo dhallinyarada gobolka uga mahadnaqay sida ay ugu hagar baxeen taageerada xisbiga KULMIYE, waxana uu xusay in dedaalka uu xisbigu ugu jiro da’yartu sababtay inay dhallinyaradu xisbiga aaminto oo xooggooda iyo muruqoodaba geliso.
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi iyo xubno kale oo katirsan garabka dhallinyarada, dhallinyaro iyo aqoonyahan kamid ah taageerayaasha xisbiga oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ballan ku qaaday inay kor u qaadi doonaan xidhiidhka uu xisbigu la leeyahay dhallinyarada, isla markaana qayb laxaad leh ka siin doono Barnaamijkooda ay ku gelayaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan, xoghayaha abaabulka ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Xinif, Eng. Xuseen Ibraahim Buuni, iyo Siyaasi Maxamed Abiib Yuusuf oo iyaguna ka tirsan xisbiga KULMIYE oo kelmado kooban madasha ka jeediyey, ayaa bulshada reer Togdheer ugu baaqay inay wada-jirkeeda adkayso, islamarkaana si hufan u qaadato kaadhadhka codbixiyayaasha oo ka bilaabmaya gobolka.

Xubno kamid ah haweenka madaxda ah ee xisbiga KULMIYE iyo taageerayaal kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna cadeeyey inay isku tiirsanaan doonaan xisbiga KULMIYE iyo bahda aqoon yahanka ee gobolku, isla markaana ay iyaga oo isku duuban u hawlgeli lahaayeen sidii uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi dalka madaxweyne uga noqon lahaa.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Kaysar Cabdilaahi, wasiiru-dawlaha Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa iyaguna si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Togdheer ee talooyinka iyo tusaalooyinka dhaxalgalka ah diyaarka ula ah xisbiga KULMIYE, waxana ay farta caddeeyeen inuu xisbigu ka faa’iidaysan doono aqoonta iyo cilmiga dhallinyarada reer Togdheer.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani) iyo Hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed(Cali marreexaan) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa u riyaaqay sida ay bahda aqoonyahanka gobolka Togdheer ugu heellan tahay xisbiga KULMIYE, waxana ay cod dheer ku sheegeen inay meelayn doonaan talo kasta oo bahdaas ka timaadda.

Ugu dambayntii guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo afmeeray, ayaa soo dhaweeyey afkaarta iyo talooyinka dhallinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Togdheer xisbiga KULMIYE la garab taagan yihiin, waxana uu xusay inuu diyaar u yahay inuu dhegaha u raariciyo hogo-tusaalaha iyo talooyinka ay soo jeediyaan.