Guddoomiye Muuse Biixi oo tacsi u diray Qoyskii iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Cismaan Hindi

0
357

TACSI-18 Sep. 2016
Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 18/09/2016.
Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo ahaa siyaasi caan ka ahaa Somaliland, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xisbigii UDUB iyo xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska iyo horumarka dalka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo qarankana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE