Guddoomiyha Maxkamadda Sare: Rajada Cadaaladda Dalka.. W/Q Ahmed Haybe Aadan

0
418

Guddoomiyha Maxkamadda Sare: Rajada Cadaaladda Dalka.. W/Q Ahmed Haybe Aadan

Guddoomiyha Maxkamadda Sare: Rajada Cadaaladda Dalka.. W/Q Ahmed Haybe Aadan Isbedelka dawliga ah ee lagu sameeyo laamaha iyo hay’adaha dawladda waa mid caadi ah oo soo jireen ah. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee cusub Prof. Adam X.Cali mudadii uu xilkan hayay wuxu ku soo beegmay wakhti ay jiraan murano siyaasi ah, haddan wuxu kaga gudbay si fudud oo kalsooni leh.

Waxaana uu raacay nidaamkii iyo sharcigii la dhigtay wixii uu ka qabay. Way jireen aad u dhibsaday in kordhintii guurtida uu sharci ka dhigay, haddana may muuqan waddo kale. Maxaa yeelay haddii doorashadii dhici weyday wakhtigeedii iyadoon belaayoba dhicin waa in la helaa xal kale. Mana ahayn kordhintu mid cusub ee wakhtiyo horeba way dhacday waana sidii xalku ahaa ee burburka lagaga badbaadayay. Waxase meesha la tebayaa waa distoorka oo

u baahan in dib loo eego .

Isbedelkan lagu sameeyay garsoorkii iyo cadaaladii waa mid guud mana ah mid beel si gaar ah u jiidhay. Haddana waxa jira dad isku beel ah oo qaarkood mujaahidiin sheegteen oo si ay ka muuqato aflagaado u dhaliilaya gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyuhu ma ah kan soo jeediyay in is bedel la sameeyo gudida cadaaladda ayaa arinkaasi keentay, oo muddo badan waday. Waxaana sexeexa wasiirka cadaaladda. Weli gudoomiyaha cusub lama gaadhin wakhti lagu sheego inuu qabyaalad iyo nacayb qoys hayo.

Isagana waxa la gudboon in cadaalada iyo sharciga uu aad u ilaaliyo madaama Allah u dhiibay isla markaana lagu imtixaamayo. Waana Inan akhlaaq iyo aqoonba leh, taasina waa inuu ilaashado waaqacana ka muujiyo akhlaaqdii islaanimada ahayd ee uu ku barbaaray. Cadaaladuna waa in qof kastaa helo xaqiisa iyadoon dadka lagu kala soocayn midab , qabiil, hanta, magac iyo muuqaal midna. Waana isu dheelitir oo ah qaabka Sayid Qudub ku qeexay kitaabkiisaa cadaaladda Bulshada. Waana xaqa oo lagu dhegenaado.

Dadku way ka quusteen cadaaladda maxkamadaha, ee waa in rajadii aad soo noolayso, abuurtana kalsoonidii lagu qabi lahaa nidaamka garsoor ee dalka.

“Justice will not be served until those who are unaffected are as outraged as those who are.”

Ahmed/Haybe Adan Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here